Wasaaradda Ciyaaraha Oo Isudwayaal Cusub U Magacawday Afar Gobal

21
575

Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa Isu-duwayaal cusub u magacawday 4 Gobol, kuwaas oo u fadhiyi doona Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Gobolladaas.

Magacaabistan oo aan lagu shaacin Saxaafada kala duwan, ayaa afarta Gobol ee loo magacaabay masuuliyiintani kala yihiin Gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Selal. Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay afartaas Gobol ee aan kor ku xusnay ayaa kala ah Mustafe Maxamed Cilmi (Shanta Gobollka) waxaa loo magacaabay Isu-duwaha cusub ee Gobollka Saaxil, Ismaaciil Waydaar Siciid waxaa loo magacaabay Isu-duwaha cusub ee Gobollka Togdheer, Maxamed Saalax Siciid waxaa loo magacaabay Isu-duwaha cusub ee Gobollka Sanaag, halka Idiris Maxamed isna loo magacaabay Isu-duwaha cusub ee Gobollka Selal.

Dhanka kale waxa uu Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu uu faray Masuuliyiinta Gobolladaas inay sida ugu dhakhsaha baddan ugu kala wareejiyaan xilalka masuuliyiinta cusub iyo masuuliyiintii hore ee xilkan hayay.

 

Comments are closed.