“Dalkii Reer-reer Baa Loo Qaybsaday, Ee Dawladdu Sharciga Ha Ku Shaqeyso”

0
657

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, dawladda kula taliyay inuu sharcigu shaqeeyo.

Suldanaka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, oo uu sheegay inay ka tilmaaman tahay Magaalooyinka kale, waxaanu xusay inay u qalanto inay noqoto Caasimadda dalka, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Maayarka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dalkii reer reer baa loo qaybsaday, ee Dawladdu sharciga ha ku shaqeeyso, Madaxda dalka ka talisa waxaanu ka codsanayaa inay nidaamkaas bedelaan, Xukunka iyo Xukuumaddaba waa loo siman yahay, laakiin haddii Xukuumaddu dadkii kala kaxayso waxay soo wadaa waa dagaal sokeeye, ee Madaxda iyo Hoggaanka dalka waxaan kula talinayaa inay ka feejignadaan inay sabab u noqdaan dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca, reerahana lagu kala qaybiyo, ee danta dadku waxay ku jirtaa nabadgalyada, laakiin haddii wax nabadgalyo daro ah la abuurayo, cidda abuuraysa waa inay joojisaa, Somalilandnimadana iyo wadaniyadana waa in la ilaaliya, oo wax laga heshiin karo aan la iskaga dhigin wax culus”.

Mar uu ka hadlaayey Magaalada Berbera ayaa yidhi “Magaaladii Berbera, wey ka tilmaaman tahay Magaalooyinka kale ee dalka, waxayna kaga tilmaaman tahay bilic wanaag, nidaam wanaag, qorshe wanaag iyo Golaha Deegaanka ee Magaalada Berberi uu ka tilmamaan yahay Golayaashii kale ee dalka, qaabka casriga ah ee Magaaladii Berbera loo dhisay,, laamiyada bilicda wacan ee laga sameeyey, waxay u qalanta in lagaba dhigo Caasimadda Somaliland, markaas anigu aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Maayarka Berbera iyo Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera, Maayar Cabdishakuur Dicina wuxuu istaahila in lagu abaalmariyo shahaado sharaf, uu ku mutaystay daacadnimada uu ku shaqeeya, ee Maayarada kale ee dhiggiisa ah ee Magaalooyinka kale ee dalkana waa inay ku daydaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here