Ereyo Iyo Xikmado Hal-Ku-Dheg Noqday Oo Ay Ummado Kala Duwan Jacaylka Ka Yidhaahdeen (Q:1aad)

0
7103

1. Qofka oo aynu ku doorano qurux iyo maal ma'aha jacayl, laakin qofka oo aad ceeb kasta ku jeclaato jacayl dheh.

2. Jacaylku waa Jaahilnimo heshay qalbi madhan.

3. Jacaylku waa saaxiibtinimo dab ku dhex dhacday.

4. Jacaylku waa bar nasasho oo aynu ilbidhqsiyo ku hakanno, kadibna nolosheenna sii ambaqaadanno.

5. Jacaylku waa tijaabo xasuusteedu waarto, laakiin da'deedu u cimri gaaban tahay sida ubaxa.

6. Jacaylku waa is qadarin xumada ugu quruxda badan ee kulmisa lammaane.

7. Jacaylku waxa uu metelaa midhaha rummaanka, macaankiisa ayaa qadhaadh ku jiraa, qadhaadhkiisana macaan ayaa ku jira.

8.Jacaylku waa xabsi raalli lagu yahay.

9.Ninku waxa uu jeclaadaa gabadha uu ixtiraamo, laakiin gabadhu ma’ ixtiraamto qof aanay jeclaan.

10. Dhibta jacaylka waxa u sabab ah, ninka oo doonaya in uu noqdo qofka ugu horreeya ee gala qalbiga gabadha iyo gabadha oo doonaysa inay noqoto qofka ugu dambeeya ee gala qalbiga ninka.

11. Gabadhu waa jacaylka cadaabta, ninkuna waa cadaabta jacaylka.

12. Gabadhu haddii ay jacayl ka ahaa ku fashilanto, nolosheeda inta hadhay waxa ay ku noolaataa xasuusta jacaylkaas laakiin ninku waxa uu ku fikiraa abuurista jacayl cusub.

13. Ninku marka uu hanto gabadha ayuu dhammaadaa jacaylkiisu, gabadhuna marka ay ninka hanato ayaa uu jacaylkeedu bilowdaa.

14. Jacaylka dhabta ahi waa in aad jeclaato qofka keliya ee awooda in uu kaa dhigo qof murugo ku nool.

15. Danayn la'aantu waxa ay dishaa jacaylka, illawguna wuu aasaa.

16. Jacaylku waa Suldaan ka sarreeya sharciga.

17. Jacaylku waxa uu bogsiiyaa nabarro badan iyo xanuunno, laakiin ha u qaaddan in uu dawo yahay, balse isaga ayaa ah cudur wax kasta ka weyn oo ku illowsiinaya xanuunnada kale.

18. Ilmadu waxa ay waraabisaa jacaylka, dhoolla caddayntuna waa ay noolaysaa.

19. Jacaylku ma'aha waalli laakiin waalli badan ayaa ku jirta.

20. Jacaylka dhabta ahi waa ka aad qiimihiisa garato goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. La Soco…