Faadumo Siciid Oo Xukuumadda Ku Eedaysay Inay Ka Hor Istaagtay Inay Tartan Kubadeed Ku Qabato Gabiley

0
635

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha maaliyada xisbiga mucaaradka ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid, ayaa loo diiday inay magaaladda Gabilay ku qabato tartan ciyaareed ay koob ugu qaban lahayd dhalinyarada magaaladaas.

Marwo Faadumo Siciid ayaa joojinta koobkaas ku eedaysay xukuumadda, waxaanay sheegtay inay tagayso magaaladda Gabilay maanta haddii koobkaas la joojiyo iyo haddii kaleba.

Waxa ay sidan ku sheegtay Marwo Faadumo Siciid waraysi gaar ah oo ay siisay Wargeyska Geeska Afrika. Waxaana iyada oo arintaas ka hadlaysa ay tidhi“Koobkani waxa uu ahaa mid aan balan qaaday lix bilood ka hor,anaga oo wadnay koobka qaban qaabadiisa labadii todabaad ee u danbeeyay,waxaanu qaban lahayn Arbacadii hore, laakiin waxa dib nooga riday koobkii aanu ka furaynay Hargeysa, waxaanay ahayd in Arbacada danbe aan qabano oo aroorta ah (Maanta), markaas isku duwaha gobalkaas ee wasaarada ciyaaraha ayaa yidhi koobkaas lama qaban karo, mar hadii Faadumo qabanayso ama koobkan ha la qabto ama yaan la qabane aniguna Gabilay waan tagayaa, aniga iyo dhalinyaraduna waanu wada hadli doonaa sida aanu uga wareegaynana waanu eegi doonaa.”

Marow Faadumo Siciid oo aanu waydiinay cida ay u aanaynayso jooojinta tartan ciyaareedkan waxa ay ku jawaabtay“Kolay waxaan u arkaa arin la xidhiidha uun dawladan aanu isku jawaabaynay uun inay ka danbayso,waana arin aan xukuumaddan uun u aanaynaayo.”