“Xukuumadu 26ka Haday Talo Diid Noqoto, Kuraasida Taala Madaxtooyada Iyo Kuraasida Aan Ku Fadhinaa Isku Mid Ayey Noqonayaan”

0
435

Picture1Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumadii Daahir Riyaale siyaasi Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo mudadii ay dalka ka talinaysay ay galisay mugdi aad u wayn isla mar ahaantaana aan la garanayn meel loo dhaqaajiyo qaranimada Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay hoos u soo daciiftay heerkii qadiyada gooni isu-taagu ay wakhtiyadii hore taagnay, iyo sida oo kale naaqus uu sheegay in ay ku timi siyaasada arrimaha dibada gaar ahaana ictiraaf raadinta, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay ku fashilantay wada-hadaladii ay la furtay dalka Somaliya.

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantay wada-hadaladaasi.

"Wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya mawqifkii aanu markii hore ka taagnayn xukuumadii hore iyo xisbigeeduba waa la wada ogsoona oo waxaa uu ahaa in aan jirin wax Alle-yaale iyo wax ay soo sidaa in aanay jirin, maadaama aanay nimankii qirsanayn in aynu ahayn laba dawladood oo isku tagay oo waxoodu in kiraad yihiin, caqligii ay inagu niyad jabiyeen ee aynu midnimadeenii ku muujiyeen iyo caqli ka sii xun ay qabaan, mawqifkii ay xukuumadihii hore dejiyeena waxaa uu ahaa in aan meel ay nimankaasi joollgaan aan la marin, xukuumadana markii ay timi waa la ogaa waxa ay samaysay ama ay markii mucaaradka ahayd ay aduunyada iyo reer koonfureedkaba ugu balan qaaday in ay meesha ay joogaan tegayso, waa kuwii sharciga u samaystay ee goleyaasha isu keenay, waa kuwii dadka oo dhan lahadlay ee yidhi anaga ayaa dalka u talina oo sida aanu doono yeelayna.waxa weeyaan wada-hadaladii waxaa marti galiyey Turkiga oo Somaliland ka soo horjeeda oo aan marqudha ogalayn kala tag, waana la ogaa oo nuxurka meesha ku jiraa waxaa uu ahaa laba qodob xukuumadan oo raga madaxweyne Siilaanyo la shaqeeya ay u badan yihiin rag aad moodayso in ay dabcinayaan gooni isu taaga Somaliland ama aanay daacadba ka ahayn iyo iyaga oo dhaqaale raadis ah, arrintii waxaa ay ku soo ururtay shan sano ka bacdi fashil, fashilkaasina waxaa uu noqday uun waxii markii hore aynu isku ogeyn ee ahaa in aan nimankaasi hadh inoo jiidayn ogalayna in ay u wada-hadalno sidii dad siman oo lixdankii isu tagay.xukuumadana maanta waxaa ay ogalaatay iyada oo og rag u dhashay Somaliland oo intii iyaga xukuumadoodan ka horeysay khaa'imal wadaniin ku qornaa, maadaama ay koonfur u shaqo tageen, calaa kuli xaal arrintaas wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya waa aynu ku khasaarnay fashil weyna waa uu ku dhacay oo shantaa sanadood dib u dhac weyn ayaa ku yimi siyaasada arrimaha dibada iyo gooni isu-taagii iyo waliba ictiraaf raadintiinba, waxaa ay xukuumadani ina galisay mugdi oo qaranimada Somaliland mugdi ayaa ay galisay maanta ayaana aanay garanayn meel allaale iyo meel ay u dhaqaajiyaan.".Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed. Md:Siciid Sulub Maxamed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay komishanka doorashooyinka ee khuseeyey qabashada hawlaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo sida la qorsheeyey dib u dhigi kara doorasho dalka ka qabsoonta 26ka Juun, waxaana uu yidhi: "Go'aankaas horta iyagu dee gudidii doorashada ayey ahaayeen oo wakhti danbe oo ah wakhtigii ay dawladani kharibtay in doorasho la gali lahaa ayey yimaadeen oo waxa ay ahaan lahaayeenba mudo-shorsheed(Timeline) ayaa ay sameeyeen, muddo qorsheedkaasina waxaa uun uu u muuqdaa ee sagaalka bilood ah ee illaa november ah oo sanadkan oo ahaa sanadkii ay ahayd in doorashada la qabto ay sanadkan oo dhan la qorsheeyo in uu yahay sanad diiwaan-galin la samaynaayo.Markaa waxaan u arkaa in ay luntay wakhtigii doorashadu. Laakiin dhaliisha meesha taala waxa weeye xukuumadan ayaa markii la doortay ee ay xilka la wareegtay kuma bay talo gelin in ay doorashada madaxtooyadu dhacdo ku talo galkoodu waxaa uu ahaa oo qudha in ay korodhsadaan marka ay shanta sano u buuxsanto. nin walba oo caqli leh oo reer Somaliland ahiba waa uu garanayaa in aanay habeena ku fekerin in ay dalka doorasho ka qabtaan, sanadkan iyo kii ka horeeyeyba waxaa ay lahaayeen muddo ayaanu korodhsanaynaa, muddo kordhiskaasina wax Somaliland ay ku iibsamayso maaha wax ay qaran hirgalana ku noqonayso maaha iyada oo caalamkii inaga soo horjeedo oo Koonfur aynu ishaysano oo waxa aynu iibinaynay ay dimuqraadiyad ahayd iyo maamul wanaag, maamulkiina uu xumaado dimuqraadiyadiina meesha ka baxdo oo ninka la doortaaba haddii uu yidhaahdo waan iska sii fadhiyaa, waa sune aad u xun, dallo waxaa ay ka dhiganayaan baryo ayaa wax la kordhiyey. Marka waxa weeyaan dee dalku maraaxil badan ayaa uu soo maray, mar ay fowdo badan jirtay ayaa jirtay, mar beelo la ahaa ayaa jirtay, maraaxil aynu shirbeeloodyo isku dooranaynay ayaa jirtay, dawlad ku meel gaadh ah mid la sameeyey ayaa jirtay, hadda distoor ayaa aynu samaysanay distoorkiina kumeel gaadhkii waa uu ka baxay, waa uu shaqeeyey oo shan sano ayaa uu cayimayaa in madaxweynahu uu fadhiyo, haddii kii yimaada, iyo kan imika fadhiyaba ama kuwa soo socdaa ay yidhaahdaan muddo ayaanu korodhsanay Somaliland ku iibsami mayso. Markaa waxa weeyaan komishanku iyagu waxbay raad raadiyeen inkasta oo ay ku khaldanaayeen hadal uu afhayeenkoodu sheegay oo uu yidhi annagu doorashada wakhtigeeda uma xil saarnin, yaa u xil saaran haddaa, xukuumaduna waxaa ay tidhi waxaa u xil saaran komishanka, markaa ma talyaani ayaa u xilsaaran, markaa waxa weeyaan halkaas waxaa ku jira Somaliland oo sii daciifaysa dimuqraadiyadeedii deetana aynu halis ugu jirno in ay fowdo inagu timaado.".

Wasiirkii hore ee wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta Siciid Sulub, waxaa uu sida oo kale uu si aada u soo dhaweeyey go’aanka ay mucaaradku ku baaqeen ee khuseeya in wakhtiga 26ka Juun haddii ay doorasho dalka ka qabsoomi waydo la dhisi doono dawlad dalka doorasho gaadhsiisa, isla mar ahaantaana aanay xukuumada jirta aqoon sanayn haddii ay wakhtiga 26ka Juun ay dhaafto iyada oo aan wax talo qaran ah laga soo horeysiin.

"Anigu mucaaradka waan ka tirsanahay, ra'yigaasina waa ra'yi aan qabo, waxaa aan qabaa waxa weeyaan in 26ka Juun xukuumadan wakhtigeedii ku eeg yahay oo ay tahay wakhtigii doorashada la gali lahaa oo hada meesha ka baxday, mar haddii ay ka baxdayna haddii aan talo ka horeysa la helin oo aan talo midaysan aan lagu gaadhin 26ka Juun dawladani dawlad la aqoonsan yahay oo mucaaradku aqoonsan yihiin ma noqonayso, dadkuna taladooda waa ay kala noqonayaan, waana laga tashanayaa, waxaana ay ku fiican tahay inta aan la gaadhin 26ka Juun in talo qaran la gaadho oo la iskugu yimaado.Haddii ay nimankani dayaceen in ay dalka doorasho ka qabtaan, abaal gud looga dhigi maayo in waliba muddo kordhin loo sameeyo.Waxaa kale oo nasiib darro ah xukuumadani waa ay aragtaa in wadamadii dibada oo dhami ay ka soo xidhmeen oo meel ay wax u dhaqaajisana ma garanayno iyaduna ma garanayso, siyaasadoodiina waa ay fashilantay, caalamkana marka qofka muwaadinka ah ee dadka xukuma ay tan oo kale ku dhacdo waa ay iscasilaan oo meesha ayey ka baxaan, xataa haddii maanta la kordhiyo xagay dalka u dhaqaajinayaan?, Soo ayaan darro maaha, markaa waxa aanu leenahay waar talo qaran ha la iskugu yimaado.".Ayuu yidhi Siciid Sulub.

Md:Siciid Sulub, waxaa kale oo uu sheegay in maalinta lagaadho 26ka Juun aan la aqoonsan doonin xukuumada hada jirta."Xukuumada Kulmiye iyo hogaankiisu haddii ay ku hanjabaan annaga ayaa dalka xukuna, waa waxii afweyne uu ku baa ba'ay waxaasi waa wax qaranimada dal ay ku baa ba'do, dalka waa la wada leeyahay waana loo wada tashanayaa xisbiyada mucaaradka ahina talo ayaa ay diyaar u yihiin, Xukuumadu haddii aanay talo diyaar u ahayn, 26ka Juun marka lagaadho haday talo diid noqdaan, kuraasida taala Madaxtooyada iyo kuraasida aynu ku fadhinaa isku mid ayey noqonayaan, cidina sharaf markaa ma huwana oo dadku waa uu siman yahay.".

Md:Siciid Sulub Maxamed, waxaa kale oo uu ka hadlay isku shaandhayntii dhawaan lagu sameeyey xukuumada, waxaana uu sheegay in xukuumada Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiye ay u qaybsan yihiin kooxo kooxo, ku waas oo kolba qoladii laga adkaado meesha laga saaro.

"Horta xukuumadani siday u shaqaynaysay ayaaba la yaab ahayd, Laba shay ayuunbaan anigu is idhaahda waa ay ku shaqaynaysoo caadifiyad qabali u badnayd oo xoog ahayd oo lagu keenay ay muddo ku jiitamaysay, tii meesha waa ay ka baxday oo waa la is bartay, waxaa kale oo iyaduna jiitamaysay lacag fara badan oo caalamka ah oo ama tii caalamku inagu caawiyey ha noqoto ama lacagtaa cashuurta ee faraha badan ee la qaado ha noqoto lacagtaas oo xooga indho sarcaad ah ay ku sameeyeen oo xooga ay dhawr xafiis ka dhiseen Hargeysa dalka kale lama qabee, dhawr meelood-na ay daamur iyo wax ku daad daadiyeen, wax indho sarcaad ah ayaa ay Shanta sanadood ay wadeen, laakiin dawlad dhisan oo u dhisan oo u dhisan fulin ahaan oo midaysan marnaba xukuumadani may ahayn, kooxo ayaa ay ahayd, waxa meesha ka dhacaayana waxaan anigu u arkaa uun dee kooxihii ayuunbaa isla rafanaaya oo kolba koox laga adkaana, xisbiga Kulmiye waa kooxo, xukuumaduna waa kooxo, isku shaandhayntan laguu sheegayana dee iyaga ayuunba dhexdooda is rog roganaaya oo kolba qolo ayaa tunka laga'ga dhacayaa oo yara ladnaanaysa, hadana dee barina kolay qolada kale ayaa aynu arkaynaa oo iyaduna gacan saraysa.".

Ugu danbayntiina waxaa uu sheegay in shir dhawaan lagu taageerayey go’aankii komishanka oo xukuumadu soo qaban qaabisay oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo u jeedadiisu ay ku saabsanayd mawqifka xisbiga Kulmiye ee arrimaha doorashooyinka. "Xaflada waa la'la yaabana, dhaqaale badan ayaana ku baxay, sida aan xanta ku maqlayna dadka qaar waxa lagu yidhi waxbaa lagu qaybinayaa meesha ama raashin, ama mucaawimo ha noqoto ama lacag ha noqoto ee, qaarbaaba lacag lagu keenay, looma sheegin dadka wax meesha loo imanaayo, markii ay dadku dareeraana waxaabad dee arkayseen in dee dadkii meesha ka dareeray, in dumura iyo xukuumada ah ayaa ku soo hadhay, oo xataa dee xisbiga iyo xukuumadu xataa shirka umay dhamayn, markaa anigu ka siciid ahaan arrintaas ama xafladaas waxaan dee u arkayaa uun jaha wareeka xukuumada haysta in ay tahay.".Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.