Jabuuti (Geeska) – Duuliyihii reer Jabuuti ee Cajaladii uu ku dhex duubay Xabsigu Kacdoonnada ka abuuray Jabuuti ayaa mar kale soo diray Muuqaal uu Dadweynaha reer Jabuuti kula hadlayo.
Fu’aad Yuusuf Cali oo Dawladda Jabuuti xabsiga u Taxaabtay markii sida la sheegay uu isku dayey inuu diyaarad Ciidan oo Jabuuti leedahay la baxsado ayaa hore isaga soo duubay muuqaal isagoo ku dhex xidhan Suuli ama Musqul ka mid ah Xabsiga uu ku jiro, waxaana muuqaalkaa sababay Dibed-baxyo waaweyn oo ka dhacay Magaalooyinka dalka Jabuuti, inkasta oo ay markii dambe joogsadeen.
Laakiin, Fu’aad ayaa Muuqaal labaad oo uu iska soo duubay isla-markaana Warbaahinta Internet-ka lagu baahiyey 10-kii bishan July, 2020 wuxuu Dadweynaha reer Jabuuti ku booriyey inay fadhiga ka kacaan, isagoo sidoo kalena sheegay inaanu la heshiinayn Nidaamka xukuma Dalka Jabuuti, kaasi oo uu ku eedeeyay Caddaalad-darro iyo Musuqmaasuq.
Fu’aad ayaa hadalka uu soo duubay waxa ka mid ah ““Walaalahayoow, dalkan Qof Bilaa Camal ahi jiri maayo oo waynu dhisi karaynaa ee kaca, waar soo baxa oo Dekedaha joogsada, waar soo baxa oo waxba ha jajabinina.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Mabda’iisu yahay ka shacabka reer Jabuuti, sidaasi darteedna aanu diyaar u ahayn inuu la heshiiyo Nidaamka Xukuma Jabuuti “Waar Mabda’aygu waa Mabda’iina, haddaan la heshiiyo (Dawladda Jabuuti) Aakhiro ayaa la i waydiin, ma Dal dumaya ayaa la heshiiyaa (Madaxdiisa), ma Caddaalad-darrada ayaan la heshiiyaa, ma dulmigaan la heshiiyaa, ma Musuqmaasuqaan la heshiiyaa, ma beenta iyo Burburkaan la heshiiyaa, maya..”