Guddigii Hore Ee Doorashada Oo Ka Cudur Daartay Inay La Taliyeyaal Farsamo U Noqdaan Guddiga Cusub Ee Doorashada Iyo Xisbiyada Oo Dib Ugu Noqday Heshiiskii Hore

0
488

Hargeysa(Geeska)-Shan xubnood oo ka tirsan guddigii hore ee doorashooyinka qaranka ayaa diiday soo jeedin cusub oo ay saddexda xisbi qaran u soo jeediyeen oo ahaa inay noqdaan la taliyayaal farsamo, dibna loogu noqdo awoodihii lagu siiyay heshiiskii dabayaaqadii February dhex maray saddexda xisbi qaran ee uu Midowga Yurub ka soo shaqeeyay.

Saddexda xisbi qaran ayaa dhawaan xubnaha ka tirsan guddigii hore ee doorashooyinka u soo bandhigay wax ka bedel lagu sameeyay awoodihii lagu siiyay heshiiskaas February oo ahaa inay yihiin Technical election management UNIT (TEMU), waxaanay u soo jeediyeen inay noqdaan la taliyayaal farsamo ‘Technical advisors’. Heshiiskaas ayaa wuxuu awooda arrimaha doorashada siinayay guddigaas TEMU, laakiin isfaham dhex maray saddexda xisbi qaran ayaa waxay isla garteen in awooda arrimaha doorahada loo soo celiyo guddiga cusub ee doorashada, guddigaas horena noqdaan la taliyayaal farsamo oo keliya.

Hase yeeshee guddigaas hore oo shalay kulan la yeeshay saddexda xisbi qaran ayaa ka cudur daartay inay noqdaan la taliyayaal farsamo, waxaanay sheegeen inaanay qabanayn shaqadaas.

Madaxweyne Biixi iyo labada xisbi mucaarad ayaa la filayaa inay mar kale kala saxeexdaan heshiis cusub oo awoodii u soo celinaya guddiga doorashada.

Markii heshiiskaas ay Madaxweyne Biixi iyo xisbiyadu kala saxeexdeen ayaa waxa ka dhashay doodo badan oo sharci, waxaanay sharcicyaqaanada qaarkood ku tilmaameen heshiiskaas mid  baalmarsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee Somaliland.