Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (1)

0
262

Ku dhowaad hal qarni kaddib, ayaa mar kale ay is beddeshay taariikhda dhismahan diimaha kala duwan iyo dhaqannada kala fogi isu weydaarteen ee Aaya Soofiya.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayir Erdogan ayaa jimcihii 10 Julaay 2020 saxeex ku dhaqangeliyey go’aanka maxkamadda sare ee dalka Turkigu ku ogolaaday in 86 sano kaddib dhismahan dib loogu aqoonsado masaajidka Aaya Soofiya. Go’aan taariikhiya ayaa uu ahaa xukunka ka soo baxay maxkamadda sare ee laalayey go’aan sannadkii 1934 kii ka soo baxay golihii wasiirrada ee Turkiga oo dhigayey in Masjidka Aaya Soofiya loo beddelo matxaf dhaqan.

Matxafkan oo dhismihiisu yahay nooc gooniya, waxa u ku yaallaa degaanka Suldaan Axmed ee magaalada Istanbuul, oo ah isla goobta uu ku yaallo masjidka taariikhiga ah ee loogu magac daray Suldaan Axmed.

Dhismahan oo dhismihiisa koowaad ahaa kaniisad waxa uu masaajid ahaa muddo 481 sano ah, kaddib markii imaamkii caanka ahaa ee Suldaan Maxamed Faatix uu qabsaday magaalada Qustantiiniya, ee hadda Istanbuul ah kaddibna uu ka dhigtay caafimaddii dawladdii Cusmaaniyiinta ee uu hoggaaminayey. Sannadkii 1934 kii oo ah xilligii uu talada Turkiga hayey aasaasihii jamhuuriyadda Turkiga Mustafa Kamaal Atatork ayaa golihiisii wasiirradu uu soo saaray go’aan Masaajidkan kaniisadda hore ahaa u aqoonsanaya in dhisme taariikheed ka mid ah raadadka taariikheed ee ugu muhiimsan bariga dhexe.

Dadka Turkiga oo boqolkiiba 99.8 ah muslimiin ayaa badankoodu si diirran u soo dhoweeyey tallaabadan dib loogu soo celiyey masjidnimadii Aaya Soofiya. Gaar ahaan dadka ku fiican ku dhaqanka diinta iyo muxaafidiinta jecel dhawrista hiddaha iyo dhaqanka taariikhiga ah ee Turkiga. Kumannaan qof oo isaga yimi Istanbul iyo goballo kala duwan ayaa is hor dhoobay masaajidkan oo salaadda koowaad lagu tukan doono 24 ka julay, laakiin hadda la ogolaaday in barxaddiisa lagu tukan karo.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan oo arrintan ka hadlay markii uu waday qorshaha masaajidka loogu beddelayo Aaya Soofiya, ayaa sheegay in Aaya Soofiya ay hadda kaddib masaajid noqon doonto, isla markaana la joojinayo lacagtii laga qaadi jiray dadka dalxiiseyaasha ah ee doonaya in ay matxafkan booqdaan. Mudane Erdogaan waxa uu sheegay in goobtan lagu magacaabi doono masaajidka Aaya Soofiya. Waxa aanu ku tilmaamay go’aan ku yimi doonista shacabka Turkiga iyo dunida Islaamka. Si kastaba ha ahaato ee masuuliyiinta Turkigu waxa ay sheegeen in masaajid ka dhigista goobtani aanay meesha ka saari doonin abtirsiintiisa taariikheed ee caalamiga ah, isla markaana dad xitaa intii hore ka tiro badan loo ogolaan doono in ay booqdaan, iyada oo aan weliba markan sidii hore lacag laga qaadayn.

Wadaadka ugu sarreeya kaniisadda Armanka oo fadhigeedu yahay Istanbul ayaa isaguna hore u ogolaaday in Aaya Soofiya loo beddelo masaajid, iyo astaanta nabadda aadamaha. Sida uu hadalka u dhigay. Wadaadkan ayaa sheegay in Aaya Soofiya oo lagu cibaadaystaa ay ka fiicantahay sida ay hadda tahay ee ah in dalxiiseyaal faduuliyiin ahi ay hadba dhan u qaadaan iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay sawirro iskaga qaadaan. Waxa se uu dalbaday in dhismaha Aaya Soofiya laga dhex sameeyo qayb ay Kiristaanku ku cibaadaystaan, isaga oo sheegay in ay taasi suurtagelinayso in goobtani ay astaan u noqoto nabadda iyo wada noolaanshiyaha aadamaha.

Bilowgii qorshahan guulaystay iyo dareennada ka soo noqday

Qorshahan ku dhammaaday in dhismaha Aaya Soofiya mar kale masaajid laga dhisaa waxa uu ku bilowday guux muddo dheer soo socday, waxa se uu si aad ah u soo shaac baxay sannadkii 2016 kii, oo mid ka mid ah jimciyadaha ka shaqeeya ilaalinta hiddaha Islaamiga ahi ay maxkamadda ka furatay dacwad ay ku doonayso in Aaya Soofiya cibaadada dib loogu furo. Arrintani waxa ay sii xoogaysatay markii ay dawladda Turkigu marar badan siyaabo kala duwan u taageertay in Aaya Soofiya laga dhigo masaajid, arrintaas oo isu beddeshay qadiyad rayulcaamka Turkigu si aad ah u dhexgashay. Waxa aanu badheedhuhu bilowday markii ay dawladdu munaasabado kala duwan ogolaatay in dhismahan laga akhriyo laga eedaamo. Dhowaan markii 29-kii May ee sannadkan 2020 la xusayey sannad guuradii 567-naad ee ka soo wareegtay qabsashadii uu Suldaan Maxamed Faatix magaalada Istanbuul kula wareegay ayaa ay arrinta masaajid ka dhigista Aaya Soofiya ku soo noqotay hadal haynta warbaahinta iyo dadka Turkiga dhexdooda. Arrintaas oo timi markii dadku si kedis ah ugu war heleen suurada Qur’aanka Kariimka ah ugu horreeysa ee Faatiada oo xuska furashada Istanbuul awgeed laga akhriyey Aaya Soofiya.

Xisbiyada ugu waaweyn ee siyaasadda dalka Turkiga oo kuwa mucaaradka fog ahi ku jiraan ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyey tallaabada garsoorka dalka Turkigu ku go’aamiyey masaajid ka dhigista Aaya Soofiya. Laakiin waxaa jira xisbiyo kale oo u badan kuwo yaryar oo iyagu ku tilmaamay tallaabo aanu xisbiga talada hayaa ka fikirin cawaaqibka ka dhalan kara, ujeedadiisuna ay tahay in uu kaga soo kabto hoos dhici dhowaan uu kala kulmay doorashadooyinkii goleyaasha deegaanka.

Duqa magaalada Istanbuul Akram Ooglo oo shir kaga qaybgalay dalka Giriigga ayaa isaguna caddeeyey go’aankiisa arrintan la xidhiidha oo ah in aan baahi loo qabin in Aaya Soofiya laga dhigo masaajid.

Dalalka Reer galbeedka ayaa iyaguna cadho badan ka muujiyey tallaabadan. Giriigga oo ay colaad diblumaasiyadeed oo durugsani u dhexeyso Turkiga ayaa si adag u diiday go’aankan. Giriiggu waxa uu isku tiriyaa in uu taariikh ku leeyahay magaalada Istanbuul oo nidaam ahaan ka tirsanaan jirtay imbaraadooriyadihii ka talinayey, ka hor intii aanay muslimiintu kula soo wareegin gacanta Maxamed Al-Faatix.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo oo isaguna intii aan la dhaqangelin go’aanka masjid ka dhigista ka hadlay ayaa dawladda Turkiga ugu baaqay in aan waxba laga beddelin sida ay hadda tahay Aaya Soofiya. Xukuumadda Ruushka iyo Kaniisadda Orotodhogoska ee dalkaas ayaa iyaguna sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka maxkamadda Turkiga. Dawladda Ruushka ayaa Turkiga kula talisay in aan la fulin go’aankaas. La soco…