Aragtida Madaxda Afrika Ay Ka Qabaan Saxaafadda Madaxabannaan Ee Qaaradda

32
637

Picture5Hargeysa (Geeska)- Inta badan madaxda qaaradda Afrika waxa ay saxaafadda madaxabanaan u arkaan mid halis ku ah danahooda dawladnimo, iyagoo u arka cadow halka ay ka ahayd inay u arkaan saaxiib runta u sheega.

Mawduucan waxa lagaga hadlay shirkii Addis Ababa ugu soo gebagegboobay Madaxda Saxaafadda Afrika oo ay kala qayb galeen qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika. Waxaana halkaas la isku dhaafsaday aragtiyo la xidhiidha saxaafadda madaxabanaan iyo madaxda Afrika.

"Xorriyada hadalka iyo saxaafadu waa qayb ka mid ah nolosha wadankayaga." sidaas waxa kulan ay isku waajaheen madaxda saxaafadda Afrika iyo madaxda qaaradda Afrika ka yidhi madaxweyne xigeenka Kenya William Rutto, oo intaas raaciyay, "In dadka lagu xidho baahinta aragtiyaha, iyadoon la iskuba waafaqsanayn, haddana maaha wax la aqbali karo." Wuxuu William Rutto intaas ku daray in saxaafadda oo la xidhaa ay tahay dib u socodnimo. "Saxaafad xor ahi waa hadiyada ugu qaalisan ee aynu qaaradeena Afrika wax ugu qaban karno.", waxaanu sheegay inay saxaafadu Afrika taageeri karto marka ay weerarto dawladaha fashilmo ee aan dadkooda waxba u qabanin. Wuxuu soo hadal qaaday xeerka ay saxaafadda Kenya ka qaylisay ee uu Baarlamaanku ansixiyay, waxaanu sheegay in wada hadal uga socdo xeerkaas saxaafadda, baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaanu carabaabay inaanu Madaxweyne Uhuru xeerkaas saxeexi doonin.

Gabadha xilligan guddoomiyaha ka ah guddiga Midowga Afrika Ms. Nkoszana Dlamini Zuma oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, ayaa iyadu canaan u jeedisay qaybo ka mid ah saxaafadda Afrika, waxaanay sheegtay inay baahiyaan wararka aan wacnayn ee qaaradooda khuseeya halka ay hoosta dhigaan wararka wanaagsan. "Waxa weeye inaynu dhinaca wanaagsan wax ka eegno. Haddii uu jiro cunug Afrikaan ah oo bukaa, waxa jira kuwo kale oo dugsiyada taga oo ciyaaraya. Deeq bixiyayaashu waxay aaminsanyihiin haddii aanay lacag ina siinin inaanu ubadkeenu beri dugsiyada tagayn. Maaha wx run ah, waxase loo baahanyahay inay saxaafadda Afrika aragtidaas bedesho."
Waxay sheegtay inaanay marna ka warwarin waxyaabaha ay saxaafadda reer galbeedku ka qorto qaaradda Afrika balse ay ka murugogo wararka warbaahinta Afrik ay ka baahiyaan qaaradooda. "Waxa aan ka warwaraa maaha waxyaabaha ay reer galbeedku inag sheegaan laakiin waa waxyaabaha aynu inagu iska sheegno."
Raysalwasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn, ayaa isna furitaankii shirka ka sheegay in Dimuqraadiyadu ay tahay mid hayaan ah sidaas darteedna loo baahanyahay in kulamo badan lagaga wada hadlo. "Dimuqraadiyadu waa hawl socota, waxaynu furaynaa dodo kasta oo lagu horumarin karo warbaahinta." sidaas ayuu yidhi Raysalwasaaraha Itoobiya.

Waxyaabaha shirkaas lagu soo bandhigay ee guusha u ah qaaradda Afrika iyo saxaafadda, waxa ka mid ahaa saxafiyiin u dhalatay wadamada Maali iyo Burundi oo la xidhay, laguna xukumay xabsi daa'in, kuwaas la sii daayay.

Comments are closed.