Duruusta Ku Laaban Habnololeedka Qudhaanja Iyo Mucjisada Ku Jirta Dawladnimadeeda (Qaybta 1aad)

18
2916

Hargeysa (Geeska)- Qudhaanjadu waxa ay ka mid tahay xayawaannada leh kala dambaynta iyo nidaamka dawladnimada u eeg ee ay ku maarayso nolosheeda maalinlaha ah iyo mustaqbalka labadaba. Mar kasta oo aad u fiirsato qaab nololeedkaas qudhaanjada waxa aad ka korodhsanaysaa duruus, marar badan aad dareemayso in aadamuhuna u baahan yahay.

Qormadan oo aynu ilo kala duwan ka soo xigannay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah habdhaqannadaas iyo dabeecadahaas maamul ee qudhaanjada:

– Qudhaanjadu waxa ay awood u leedahay in ay dhisato biriishyo ay isaga gudubto, iyo xitaa wax aynu ku sheegi karno laashash ay biyaha kaga badbaaddo.

– Waxa ay leedahay qaybo caafimaad oo daweeya dhaawaca, gaar ahaan marka xaalad dagaal dhacdo ama dhibaato kale beesha haleesho.

– Ilaalinta degmooyinka qudhaanjada:

Koonfurta bari ee qaaradda Eeshiya, gaar ahaan dalalka Borneo, Thailand and Brunei waxaa ku nool nooc qudhaanjada ka mid ah oo leh deegaanno isugu godad dhulka hoostiisa ah iyo jiridda dhirta kaymaha dhexdooda. Deegaannadan oo ah boqortooyooyin kala xidhan, boqortooyo kasta oo ka mid ah qudhaanjada ku nooli waxa ay leedahay boqor iyo nidaam maamul oo u gaar ah. qayb kasta waxaa ka talisa boqorad u gaar ah.

Boqoraddaas waxaa ku xeeran adegeyaal iyo shaqaale u gaar ah oo isugu jira laba nooc; nooc madaxeedu weyn yahay oo marka aad eegto la moodo in ay koofiyad xidhan tahay iyo nooc yaryar oo calaamaddeedu ay tahay laba kiish oo ku yaalla inta u dhexeysa madaxa iyo caloosha oo dabcan xagga dambe ah, waxa aana ka buuxa maaddo dhegdheg ah oo midabkeedi huruud yahay. Nooca hore waxa ay saynisyahannada baadhay ku tilmaameen ilaalada kadimada boqortooyada, sababtuna waa qaabka madaxeedu u samaysan yahay ee koofiyadda la moodo iyo shaqada ay qabato oo ah in ay xidho kadimada laga galo godka, nooca kale oo maadadda kiishadaha ugu jirtaa ay sun tahay. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here