Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Korodhay Iyo Kuwo Kale Oo Baadhistooda Gacanta Lagu Hayo

0
763

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in saddex Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi oo Shalay Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Somaliland laga helay Saddex Qof oo qaba xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19, waxaanu yidhi “Waxaanu Shaybaadh u dirnay 24 Qof oo dambe, kuwaasi oo aanu Xaaladdooda Caafimaad la soconay, 24-kii qof waxa noo soo noqotay Natiijadii Baadhitaankooda, markaa waxaanu Bulshada reer Somaliland u sheegaynaa inay jiraan saddex Kiis oo cusub oo Xanuunkaa inay qabaan oo uu ku dhacay la xaqiijiyey, Xaaladdooda Caafimaad aad bay u wanaagsan tahay, Calaamado badana kama muuqdaan, Saddexda Qof mid wuxuu ku sugan yahay Magaalada Boorama, labada kalena waxay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa..”

Wasiirku wuxuu sheegay inay jiraan laba Qof oo kale oo ay Xaaladdooda la socdaan “Intaa waxa dheer, inay jiraan laba Qof oo kale oo aanu iyagana si gaar ah ula socono Xaaladdooda Caafimaad, shaybaadhkoodana aanu Gacanta ku hayno, wixii iska beddelana dib ayaanu ka soo sheegi doonaa.”

Wasiirku wuxuu farriin Wacyi-gelin ah u diray Shacabka Somaliland “Bulshada waxaanu u sheegaynaa, waar Xanuunkani wuu jiraa, waa dhab, waxaanu sheegaynaana waa wax la hubiyo oo xitaa aanaan ku daynin Shaybaadhka Qaranka ee aanu u dirno Shaybaadhka Waddamada jaarka ee ay yaallaan shaybaadhada kuweena ka casrisan, marka la isku geeyo waxaanu haynaa shan Kiis oo Xanuunkaas ah, laba Kiis oo kalena gacanta ayaanu ku haynaa, taasi waxay waajib ka dhigaysaa dhigaysaa Adiga ayay masuuliyad gaar ahi kaa saaran tahay inaad Caafimaadkaaga ilaaliso..”

Somaliland waxa hore looga helay laba Qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco, saddexdan Qofna waxay tirada Xanuunka qaba ee ku sugan Somaliland ka dhigaysaa Shan Qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here