Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeeshay Xukunka (Q: 5aad)

0
737

Awoodaha maalinba maalinta ka dambaysa soo shaacbaxaya ee ay Ivanka ku leedahay talada aabaheed loo igmaday intaas aynu soo sheegnay kuma koobna, balse waxa ay gaadhsiisan illaa heer aad mararka qaarkood loo qaadan karo in ay tahay shakhsi leh awood ka madaxbannaan aabaheed, oo laga yaabo in aragtidiisa ay ka soo horjeeddo. Waxaa xusid mudan mawqifkii dad badna ka yaabiyey ee ay qaadatay mar ay arrimaha isbeddelka cimilada iyo wasakhowga hawada kala hadlaysay madaxweyne ku xigeenkii Maraykanka ee xilligii Bill Clinton Al Gore oo hadda ah u dhaqdhaqaaq arrimaha cilmilada iyo deegaanka.

Ivanka Trump waxa ay Al Gore la qaadatay shir ay aad uga wada xaajoodeen arrimaha isbeddelka cimilada. Al Gore kulankaas aad ayaa uu uga helay, waxa aanu warbaahinta u sheegay in uu ahaa kulan uu aad ugu faraxsan yahay oo uu ogaaday in Ivanka Trump ay waxyaabo badan oo dhianca deegaanka iyo cimilada ah isku waafaqsan yihiin. Mar uu Al Gore ka hadlayey kulankan uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay oo kulan guulaystay uu ahaa waxa uu sheegay in uu aad uga helay sida ay Ivanka Trump u danaynayso qadiyadda isbeddelka cimilada. Marka ay Ivanka sida uu madaxweyne ku xigeenkan hore sheegay taageerayso wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada waxaa muuqanaysa in ay aaminsan tahay fikir ka duwan ka aabaheed oo ah dadaallada wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada adduunku ay yihiin kuwo dalkiisa lagi khiyaamaynayo.

Waa ay sii socdaan calaamadaha iyo tusaalayaasha ina tusaya in Ivanka aanay ahayn inantii madaxweynaha oo keliya, balse ay awoodo ku leedahay Guriga Cad, waa aynu markanna xusi karnaa sheekadii talefanka ku dhex martay Ivanka oo Guriga Cad ee Maraykanka ku sugan iyo madaxweynaha dalka Argentina.

Waxaa dhowaan Barkulannada bulshada ee internet ee dalka Maraykanka aad uga dhex muuqday doodo iyo buuq badan oo ka dhashay hadal uu madaxweynaha Argentina Mauricio Macri ku sheegay in uu talefanka kala hadlay inanta uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Ivanka Trump, isaga oo intaas ku sii daray, ‘In uu yaqaannay illaa carruurnimadeedii iyo in uu aad uga helo’

Waa run in Guriga Cad ee Maraykanka ay soo mareen hablo ay madaxweyneyaal dhaleen oo saamayn aad uga ballaadhan oo taariikhda galay ku yeeshay siyaasadda dalka Maraykanka, waxaa ka mid ahayd Eles Roosevelt iyo Maureen Reagan, laakiin illaa hadda waxaa muuqata in Ivanka ay tahay inantii aabaheed madaxweyne Maraykan yahay ee ugu saamaynta badnayd siyaasadihiisa uu dalka ku hoggaaminayo.

In ruux ka mid ah qoyska madaxweynaha, boqorka ama hoggaamiyaha dalka lagu arko isaga oo faraha kula jira talada dalku waa arrin aad uga dhacda inta badan dunida saddexaad. Laakiin dalalka dhismay waa ay ku yartahay, ama waxa aynu ku tilmaami karnaa mar la arag, dhifdhif uun soo marta. Xubnaha aad looga warramo ee talada hoggaamiyaha saamaynta ku yeeshaa waxa ay u badan yihiin dumarka, gaar ahaan marwada koowaad oo dabcan iyadu ah qofka ugu dhow hoggaamiyaha, waqtiyada ugu fiican iyo firaaqada ugu badanna u hesha in ay u sheegto ama ka dhammayso arrin ay doonayso. Waxa se xiise leh in marwada koowaad lafteedana marar badan kaalintaas laga riixdo oo mid ka mid ah hablaha uu dhalay hoggaamiyuhu ay noqoto ruuxa saamaynta ugu badan ku leh talada aabaheed. Tusaalayaasha dumarkaas ayaanay Ivanka iyo kuwa kale ee qormadani ka warramaysaaba ka mid yihiin.