Dhagaxaan Lagu Arkay Meeraha Farraare Iyo Culimo Sheegay In Ay Muujinayso In Noole Hore Deggenaan Jiray

0
793

Washington (Geeska)- Dayaxgacmeedka Curiosity ee ku shaqaynaya tamarta Nukliyeerka oo tan iyo badhtamihii sannadkii 2012 hawada sare wareegayey ayaa meeraha Farraare (Maris) oogadiisa ka soo qaaday sawirro muujinaya dhagaxaan hadhaa dhisme u eeg oo saynisyahannadu fahamkooda ku jaahwareereen.

War uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda Al-Carabiya ay ku sheegtay in saynisyahannada qaar ku doodeen in dhagaxaantan qaabka wareegga ah ee nidaamsan u dhisani aanay ahayn kuwo dabiici ah, balse ay yihiin aadame-samee caddaynaya in Farraare ay Malaayiin Qarni ka hor ku dhaqnaayeen noole lahaa xaddaarad dhagaxaantani hadhaadigeedii ka mid yihiin. Saynisyahannadani waxa ay sheegeen in dhagaxaantani ay ka duwan kuwa ka samaysma marka ay meerayaal kale ku dhacaan oogada saree e Farraare ama dayaxa iyo inta kale ee meerayaasha bahda qorraxdu midaysay isku ah.

Si kastaba ha ahaato ee saynisyahanno badan ayaa aaminsan in dhagaxaantani ay yihiin kuwo dabiici ah, maadaama oo masaafadda ay ku fadhiyaan aanay ka badnayn hal mitirna aan la lagu sheegi karin kuwo dhismayaal xaddaarad hore la xidhiidha.