“Waa Hubaal In Somaliland Guulaysan Doonto Mustaqbalka, Waayo Waxay Haysataa Doonista Saddex Milyan Iyo Badh Shacab Ah

1
4244

carbeedKuwait (Geeska)- Cabdicasiis Al-Muntari ayaa tilmaamay in warbixin ay ka qoreen xadgudubyo iyo baro-kac loo geystay shacabkii waqooyi keentay in Qaramada Midoobay iyo wadamo kale ku dhaleeceeyaan rajiimkii Siyaad Barre.

Al-Muntairi ayaa sheegay in dooda Somaliland tahay mid ka sal adag ta Soomaaliya. Muqdisho waxay iibinayaan magac gaboobay, ooy maamulaan ajaanib, halka Somaliland maamulaan siyaasiyiin la doortay

Wareysigaa oo Maxamuud walaaleye oo Geeska Afrikaka tirsan la yeeshay Al Muntairi oo aanu qaybtiisii hore idiinku soo gudbinay cadadkii Salaasadii, shalay qaybtii labaad waxay u dhacay sidan:

Waxaad ku jirtay guddi safar xaqiiqo-raadis ah ku yimi Somaliland xilligii halgankii SNM socday, yaa ku jiray guddidaa, maxaad la kulanteen, warbixintii aad diyaariseen ma la shaaciyey?

Waxuu ahaa safar qarsoodi ah oo Muqdisho ilaa Gebilay ku soo gaadhnay, gaar ahaan deegaamadii qabiilka Isaaqu deganaa, sababtoo ah waxa na soo gaadhay macluumaad sheegayey in xasuuq iyo baro-kac loo geystay shacabkii. Waxaan u gudbinay warbixintii xafiiskii Qaramada Midoobay ee Muqdisho, iyo weliba wadamadii reer Galbeedka, taasoo mar danbe, Qaramada Midoobay iyo wadamadii reer Galbeedku dhaleceeyeen hawlgaladii xukuumadii Siyaad Barre ka wadeen gobalkii Waqooyi-galbeed iyo Togdheer.

Waxaan ku bayaaminay warbixintaa in goboladaasi qeyb ka ahaayeen maxmiyadii  British Somaliland.

Ugu danbayn, waa maxay talooyinka aad u jeedinayso xukuumada Somaliland, guud ahaan shacabka Somaliland guddo iyo dibedba si loo xoojiyo raacdadooda helitaanka aqoonsi caalami ah?

Xukuumadda Somaliland waa muhiim inay sii waddo wada hadalkooda Soomaaliya, iyagoo mowqif cad wata, isla markaana jiheeyaan wada xaajoodkaa, sababtoo ah, dooda Somaliland waa mid ka sal adag ta Soomaaliya. Muqdisho waxay iibinayaan magac gaboobay, ooy maamulaan ajaanib, halka Somaliland maamulaan siyaasiyiin la doortay. Beesha caalamku way ka dheregsan yihiin xaqiiqadan, isla markaana waxay si weyn u xushmaynayaan Somaliland, marka loo eego, hogaanka cusub ee Soomaaliya qabaa’ilkana lagu doortay.

Somaliland waxa ka jira nidaam dimoqraadi ay dhisteen, waanay ilaashadaan dhulkooda, halka Muqdisho, aanay ilaashan Karin xafiisyadooda, iyo musharka ciidamadoodana abuuran Karin. Taasi waa farqiga weyn ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. 

Wasaaradda khaarajiga Somaliland waa inay caalamka u sharxaan xaqiiqada gudaha jirta. Waa hubaal in Somaliland guulaysan doonto mustaqbalka dhow, sababtoo ah waxay haysataa doonista saddex milyan iyo badh shacab ah.

Xukuumadu waa inay sii wadaa wada xaajoodka qabaa’ilka barriga, isla markaana dhiirigeliyaan qorshaha Madaxweyne Siilanyo ee ku waajahan nabada. Waa fursad aragtida xubno cusub oo ku biiraya golaha wasiirada kana soo jeeda magaalada Buuhoodle.

Shacabka Somaliland iyo xukuumadu wa ainay ogaadaan in nabadgelyada gudahu tahay waxay ku faanayaan, isla markaana aduunku ku xushmaynayo Somaliland, sababta nabadgelyada ay dhisteen iyagoo wax taageero ah ka helin dibedda. Xukuumada Kulmiye waa inay xoojiso dedaalada ku aadan nabadgelyo buuxda.

Comments are closed.