Ciidamada Labada Shariif Oo Ku Dagaalamay Madaxtoyada Dhexdeeda

0
687

 

Muqdisho(Geeska)-Ciidamada kala ilaaliya labada Shariif ee Sheekh Shariif oo Madaxweyne ah iyo Shariif Xasan oo guddoomiye Baarlamaan ah ayaa shalay rasaas isku weydaarsaday madaxtooyada dhexdeeda.

Dagaalkan oo socday qadar kooban ayaa lagu soo warramayaa in uu bilaabmay shalay duhur ku dhawaadkii, ka dib markii muran ku dhexmaray ilaalada madaxtooyada ee albaabka hore iyo mas'uul ka tirsan ilaalada Shariif Xasan oo xilligaas damacsanaa in uu soo galo madaxtooyada lana amray in la baadho. Murankaas oo markii danbe isu bedelay gacan ka hadal ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaare aan la xaqiijin heerka uu gaadhsiisanyahay, waxaanay wararka la xaqiijini sheegayaan inuu dagaalkaas ku dhaawacmay  sarkaal lagu magacaabo Gaashaanle Sare Carab oo madax u ahaa ilaalada madaxtooyada gaar ahaan kuwa Sheekh Shariif.

 Dhacdadan ka dib waxa goobta soo gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dawladda kmg ah iyo kuwa AMISOM. Kuwaas oo ku guulaystay in ay joojiyaan mashaqadaas ka dhex aloosnayd labada ilaalo. Ciidamada AMISOM ayaa hadda la sheegayaa in ay gebi ahaanba la wareegeen ilaalinta albaabka hore ee madaxtooyada. Waa wax iska caadi ah Muqdisho gudaheeda dagaalada noocan ahi, waxase cusub in madaxtooyada dhexdeeda lagu dagaalamo.