Sirta Cuntada Ee Madaxda Dunida Oo Lagu Fashiliyey Kulanka Cunto-Kariyeyaasha

0
693

obamnaParis- Madaxweynaha awoodda badan ee dalka Ruushka Vladimir Putin waxa uu wadnaha farta kaga hayaa in cid cadow u ahi sun ugu darto cuntada uu calfanayo, sidaa awgeed meel kasta oo uu tegeyo ma illaaba qalabka sunta cuntada lagaga hubiyo oo uu mar kasta is daba wado, marka uu cunto cunayana uu iskaga hubiyo. madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka France  Francois Hollande waxa uu jecel yahay caano fadhiga (Labeenta la marsado roodhida) taas oo aad uga duwan ninkii jagadan uga horreeyey ee Nicola Sarkozy oo isagu aad u jeclaa Shaglaydhka, madaxweynaha dalka Maraykankuna waxa uu aad u neceb yahay daba-casaha (Baytaraafka) waxa aanay isaga iyo xaaskiisuba ku baas yihiin cunista khudaarta. Intani waa siro kooban oo ka soo baxay kulanka guud ee dadka cuntada u kariya ragga dunida ugu awoodda badani dhowaan ku yeesheen magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Jimciyad lagu magacaabo, “Club of the Chefs of the Chiefs” oo macnaheedu noqonayo naadiga cunto kariyeyaasha madaxda, oo ay ku bahoobeen 27 cunto kariye oo madax ka ah kijooyinka madaxweynayaal, raysalwasaarayaal iyo boqorro kala duwan oo caalamiya ayaa toddobaadkan isugu yimi magaalada Paris, si ay isu dhaafsadaan waayo-aragnimada iyo sheekooyinka cunto diblumaasiyeedka ay diyaariyaan. Gilles Bragard oo ah ganacsade u dhashay dalka Faransiiska hore cunto kariye madaxweyne u ahaa oo isagu sannadkii 1977-kii bud dhigay naadigan, ayaa isagu ku adkaysanaya in wanaagga cuntada madaxda loo diyaariyaa uu xiiso iyo diirranaan ku abuuro xidhiidhada iyo isu soo dhoweynta macaamilka caalamiga ah.

“Waxa aan inta badan idhaahdaa, haddii ay siyaasaddu qaybiso (Madaxda) miiska cuntaduba waa uu isu keenaa” ayaa uu yidhi Bragrad ooo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay kooxdani Paris ku qabatay salaasadii toddobaadkan, kulan sannadeedkooda kadib. Bragard waxa uu fashiliyey in madaxweyne Putin ka Ruushku uu u dhaqmo qaabkii dhaqanka u ahaa boqorradii qarniyadii dhexe ee ahaa in wax kasta oo afka ay gelinayaan ay marka hore ku tijaabiyaan qof kale iyaga oo ka cabsi qaba in sun loogu qariyo. “Sun iska tijaabintii weli waa ay jirtaa, laakiin waxa ay ka jirtaa aqalka Kremlin ka oo keliya, halkaas oo dhakhaatiir u gaar ahi ay tijaabiyaan weel kasta oo uu cunto kariyuhu u soo gudbiyo miiska cuntada ee madaxweynaha” ayuu yidhi Bragard oo hadal ka jeediyey furintaankii shirka cunto kariyeyaasha madaxda oo uu marti geliyey madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska, Md. Francois Hollande.

Anton Mosimann  oo deggen magaalada London, horena cunto kariye ugu noqday dhowr raysalwasaare oo soo maray dalka Ingiriiska, ayaa mar uu shirkan ka hadlayey waxa uu xasuustaay mar ay raysalwasaaraddii hore ee Ingiriiska Margaret Thatcher ka dalbatay in uu sameeyo cunto aan caadi ahayn oo ay ku maaweeliso madaxweynihii xilligaas Faransiiska ka talinayey Francois Mitterrand oo booqasho ku yimi Ingiriiska. Mosimann waxa uu sheegay in uu u sameeyey cunto uu ku jiray Isteeg (Steak) neef lo’a oo dhaylo ah, isaga oo intaas ku daray in dhowr sano kadib mar uu Thatcher la sheekaystay ay aad uga hambalyeysay cuntada uu maalintaa sameeyey, laakiin ay si adag u tidhi, “Qaali xad dhaaf ah ayaa ay ahayd” iyada oo u jeeda kharashka ku baxay samaynta cuntadaas. Arrinta yaabka leh ee uu cunto kariyahani sheegay waxa ay ahayd markii uu yidhi, “George Bush, waxa uu lahaa laba sarkaal oo ka tirsan FBI oo ka dhadhamiya dhammaan cuntooyinka uu cunayo inta uu joogo Ingiriiska”

Bernard Vaussion ayaa sheegay in Francois Hollande oo ah madaxweynihii lixaad ee uu cuntadiisa sameeyo muddo 40 sano ah oo uu cunto kariye ka ahaa aqalka Elysee ee looga taliyo dalka France, in Hollande uu yahay nin u feejinan ilaalinta quruxda qaab-dhismeedka iyo miisaanka jidhkiisa, laakiin haddana aanu la mid ahayn kii isaga kursiga ugu horreeyey ee waallida ku qabay raadinta caafimaad qabka jidhka, Nicola Sarkozy oo isagu ku ba’naa shaglaydhka qasrigana ka mamnuucay caano fadhiga (Cheese: Labeenta roodhida la marsado). “Laakiin waxaa Cheese kii dib u soo celiyey Hollande” ayuu yidhi Bernard oo sheegay in Madaxweyne Hollande iyo haweenayda raysalwasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel labaduba ay jecel yihiin Cheese ka.

Shirkan waxaa khadka is gaadhsiinta ee maqalka iyo muuqaalka ah kaga soo qayb gashay Christina Komford  oo ah haweenayda madaxda u ah kijada guriga cad ee Maraykanka iyada oo joogta kijada guriga cadna ka qayb galaysay kulankan. Cunto kariso Comerford waxa at cuntada u soo karisay madaxweynayaasha kala ahaa, Bill Clinton, George W. Bush iyo hadda oo ay u kariso Barak Obama.

Comeford oo dhowaan ay xaaska Obama wada qoreen buug loogu talo galay in uu gacan ka geysto sidii carruurta looga ilaalin lahaa baruurta saayidka ah, waxa ay carrabka ku adkaysay sida uu madaxweynaha Maraykanku u neceb yahay khudradda loo yaqaanno daba-casaha (Baytaraafka), iyada oo dhanka kalana sheegtay in Marwo Michelle iyo Mudanaha aqalka cadi ay aad u jecel yihiin guud ahaanba noocyada kala duwan ee khudradda.

Laakiin Bragard ayaa isna dhankiisa ka xaqiijiyey in Hillary Clinton markii ay u soo guuraysay guriga cad ee Maraykanka markii saygeeda loo doortay madaxweynaha ay hore u soo kaxaysatay cunto kariye u dhashay dalka Faransiiska oo ay ku sheegtay in cuntadiisu qani tahay. Ururkan cunto kariyeyaasha waxaa magaciisa loo soo gaabiyaa ereyga Faransiiska ah ee Chef oo leh laba macne oo kala ah, cunto kariye iyo madax. “Waxa aan filayaa in cunto kariyuhu saamayn uu ku yeelan karo qaabka doodad iyo wada xaajoodka madaxdu u dhacayaan” sidaa waxaa yidhi Daryl Schembeck oo madax ka ah kijada xarunta Qaramada midoobey, dhowaanna u cunto sameeyey 200 oo hoggaamiye oo caalamiya” sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Cunto kariye fiican i sii anna waxa aad iga heli heshiis fiican” sidaa waxa yidhi hoggaamihii Faransiiska ee Napoleon Bonaparte sida muuqatana cunto kariyeyaasha madaxda dunidu hal-ku-dheggen ayaa ay laabta ku haystaan oo waxa ay aaminsan yihiinba in ay ka mid yihiin safka diblumaasiyiinta caalamka maadaama oo cuntada ay kariyaan muhiim u tahay kulamada madaxda dawladuhu yeelanayaan, gaar ahaan marka ay isla gorfaynayaan arrimo masiiriya. Sidaa awgeed waxa ay marar badan ku doodaan cunto kariyeyaashu in ay yihiin kuwa nabadda sameeya, maadaama oo si kasta oo la isku khilaafsan yahay, haddana ay cuntada macaan ee ay sameeyaan miis isugu keento madaxa.

Waa dhab in ay diblumaasiyiinta meelo badan ka shabbahaan, tusaale ahaan aamuska iyo in sirta la qariyo ayaa ay kala mid yihiin, waxa aanay og yihiin in sirta kijada madaxweynaha taalla oo dibadda u soo baxda ay ku mutaysanayaan ciqaab daran. Xubno ka mid ah cunto kariyeyaasha shirkan ka qayb galay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay kaalinta ay ka qaataan adkaynta cilaaqaadka diblumaasiyadeed iyo dhamaystirka heshiisyada dawliga ah.