Dubai (Geeska)- Hay’adda waddooyinka iyo gaadiidka ee magaalada Dubai ayaa soo saartay nooc cusub oo ah bilaydhada lambarka baabuurta oo uu astaan u yahay xarafka “W” taas oo gaadiidleyda u ogolaanaysa in ay doortaan lambarka ay doorbidayaan oo shardigu yahay keliya in shan god uu noqdo.
Adeegga cusub ee lambarrada ‘W’ ku bilaabayaa waxa uu dadka fursad u siinayaa in ay gaadhigooda u doortaan lambarka ay doonayaan, kaddib marka ay bixiyaan lacagta lambarka oo ah 1’670 dirhamka Imaaraadka ah, una dhiganta 457 doolarka Maraykanka ah.
Hay’addu waxa ay diyaarisay lambarro u dhigma 50 kii sano ee la soo dhaafay, si qofka xiisaynayaa uu fursad ugu heli karo in uu doorto lambar la mid ah taariikhdiisa dhalashada. Hay’adda oo ka hadlaysa sababta ay u suurtagelisay in qofku heli karo lambarro u dhexeeya 1967 kii illaa 2018 kii oo 50 sano ah, ayaa sheegtay in loogu talagalay in dadka gaadiidleyda ahi ay dooran karaan lambar u dhigma taariikh xusuus gaar ah ku leh noloshiisa. Haddii ay tahay taariikhdii dhalashadiisa ama taariikh kale oo muhiim u ah.
Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa caan ku ah in ay lambarrada gaadiidka lagu dhex wato hadba ku samayso isbedello dadka xiise geliya, iyada oo dhinaca kalana tallaabadaas ka faa’iidda lacago dheeraad ah oo laga qaado qofka xiisaynaya in lambarkiisa uu ku beddelo mid uu xiisaynayo.