Drs Edna Adan oo ka Saamayn Badatay Hogaamiyaasha Dunidda Islaamka

0
179
Kaalintee Ayey Kaga Jiraan Boqorka Sacuudiga Iyo Hogaamiyaha Iran Aayatulah Cali Khamanii 500 Ee Qof?

Hargeysa ( Geeska) Dr. Edna Aadan Ismaacil ayaa ka mid noqotay 500 oo qof oo loo xulay inay yihiin kuwa ugu saamaynta badan Muslimiinta Dunida ku nool.

Dr. Edna ayaa ka soo dhex muuqatay Liiska 500 qof ee Muslimiinta Adduunka ugu saamaynta badan oo ay ka Mid yihiin Dhakhaatiir, Ganacsato, Culimo, Siyaasiyiin, Madaxda Dawladaha Muslimka qaarkod iyo adeegayaal bulsho oo dhamaantood ka mid ah Muslimiinta Dunida ku nool, kuwaas oo loo xulay inay yihiin shakhsiyaadka ugu saamaynta badan. Abaalmarinta la siiyey Adna ayaa inta badan lagu qiimeyaa 500 qof ee dunidda islaamka ugu saamaynta badan sanadka 2024. Abaalmarintan ayaa kaalinta kobaad ee dhanka dumarka ay ka gashay Marwo adna Aadan, halka dhanka Raggana uu kaalinta kobaad uu ka galay Professor Syed Muhammad Naquib Al-Attas.

Professor Syed ayaa u dhashay dalka Indonoosiya, kana soo jeeda qoys Yamaniyiin ah. Dr. Adna ayaa ah aasasaha Edna Hospital oo hooyada iyo dhalaanka loogu adeego, si  tayo sare lehna ay ka helaan. Adana Aadan ayaa Sidoo kale ah Aasasaha Jaamacada Edna oo soo saarta dhakhaatiir tiro badan oo tayadooda la amaanay. Dr Adna aadan Ismail ayaa hore ugu guulaysatay abaal-marino badan waxa lagu soo dhaweeyey “mission Medical Hall of Fame, University of Toledo, Ohio”. Adna ayaa sidoo kale  shahaado-sharaf doctoral ah ka heshay Jaamacadda Clark University, Massachusetts. Adna waa Xubin Sharafeed ka tirsan Jaamacadda Cardiff, Waxayna shahaado sharafeed gudoonsiisay Kulliyadda Boqortooyada ee Dhakhaatiirta dhalmada iyo haweenka. Waxa kale oo ay heshay shahaado sharafeed ay ka qaadatay Jaamacadda Southbank ee London.  Hadaba, Sannadkii 2023, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Templeton Prize ee sharafta leh, taas oo noqotay guul-wayn, laguna maamuso dadka halbuurka iyo fikradaha horumarineed muujiya. Bulshada Somaliland ayaa aad ugu hambalyeynaysa Dr Adna Aadan guusha ay gaadhay labadii sanadood ee isku xigay ee ahaa 2023 iyo 2024, Taas oo magac iyo Maamus u leh Sharafta Qaranka Somaliland.