Xayawaanka Wadanka Soomaalida Caanka Ka Ah Ee Fadhaanfadhka Oo La Ogaaday In Uu Daawo U Noqon Karo Cuduka Kansarka

0
194

Daraassada ay sameyeen saynisyahanno ayaa muujinaysa in xayawaan ku nool saxaraha uu daawo u noqon karo cudurka Kansarka. Xayawaanka faaranfarka oo inta badan ah mid laga helo dalalka Afrika sida Soomaaliya, iyo keymaha ayay khuburradu sheegeen in uu noqon karo mid loo isticmaalo daaweeynta cudurka kansarka.

Cilmi baadhistaan oo diiradda lagu saaray sida bini’aadamku ugu noolaan karo nolol caafimaad leh iyo cimri dheer ayaa lagu sheegay in xayawaanka uu noqon karo mid lagu daaweeyo cudurka oo aan horey u jirin daawo sax ah oo loo hayo.

Xaywaanka ayaa noolaan kara celcelis ahaan dhowr boqol oo sano, waxaa uu u adkaysan karaa cudurrada daba dheerle oo ay ka mid yihiin macaanka, waxayna leeyihiin nidaam taran oo xiiso leh oo iyaga u gaar ah.

Waxaa ka mid ah meelaha laga helo kaymaha Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan halkaasi ku noolaa xayawaanka ka hore xilligii gumeeysiga iyo haddaba ayada oo qaarkood xayawaanka uu nolaan karo ku dhawaad dhowr boqol oo sano.

Sidoo kale waxaa uu xaywaanka faa’iidooyin u leeyahay deegaanka, iyo kala duwanaanshaha noolaha bin’aadmka.

Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in burooyinka qolfoofta ah ee fadhanfadhka ay faa’iidooyin gaar ah u leeyihiin cilmi-baadhista caafimaadka iyo daaweeynta kansarka nooc walba oo ka mid ah .

Khubarro ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa soo jeedinaysa in xayawaanka uu la falgalayo nidaamka unugyada oo ay ku jiraan hab-dhiska difaaca jidhka iyo ka hor tagga cudurrada, kuwaas oo dhamaan diiday in kansark uu faafo .

Tijaabo lagu sameeyay Jaamacadda Cambridge, cilmi-baadhayaashu waxay falanqeeyeen 79 unug oo kala duwan oo ku saabsan qaab-dhismeedka gudaha ee unugyada kuwaas oo laga soo qaatay mindhicirka, kelyaha, beeryarada, sambabbada iyo unugyada maqaarka ee xayawaanka .

Heerka dhimashada aadanaha ee cudurka kansarka ayaa korodhay sida laga soo xigtay cilmi-baadhayaal ka tirsan Jamaacada Cambridge.

Sidoo kale daraasaddaan waxaa lagu ogaaday in xayaawaannada kale ay suuragal tahay in uu ku dhaco xanuunka kansarka laakiin fadhaanfadhka ay aad ugu yar tahay in uu ku dhaco xanuunka oo ay naadir tahay.

Cilmi baadhistaan waxaa laga sameeyay inta badan adduunka oo dhan waxaa natiijada ay muujinaysa in xanuunka kansarka ay suuragal tahay in daawo loo helo.

Dadaallada lagu doonay in lagu sameeyo daawo wax ku ool ah oo cudurka kansarka loo helo ayaa socad muddo dheer, waxaana khubarro kala duwan sanadkii hore ay sameeyn tijaabo rajo weyn laga qabo in ay noqto mid guul ah.

Haddii cilmi-baadhistaan ay noqto mid waxtar leh waa rajo wanaagsan oo loo helay xanuunka kansarka oo sanad kast ay u dhintaan kumannaan qof guud ahaan adduunka oo dhan.

Mala daaweeyn karaa kansarka?

Dad badan, marka ay maqlaan kansarka, waxay la xidhiidhiyaan cudur halis ah oo dhibaato xun leh.

Laakiin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada xanuunkaan ayaa kordhay sababo la xidhiidha ogaanshaha cudurka ee xilli hore sidaa darteed waa la daweyn karaa ka hor inta aanu   jidhka kale aad ugu faafin.

Dhanka kale way adagtahay in xanuunka kansarka la daaweeyo haddii aan la ogaan marka uu yahay heerarka hore oo dhammaan uu jirka kuwada faafo, balse daraasadda cusub ayaa rajo ka muujinaysa xayawaanka loo isticmaali karo si xanuunka looga guuleeysto.