Aragtida Ay Tahriibka Ka Qabaan Wasiirada Shaqada, Madaxtooyada Iyo Dhallinyarada

0
707

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa aafada Tahriibka uga hadlay si ka duwan afkaarta ay ka qabaan Wasiirrada Dhalinyarada iyo shaqada Somaliland, waxaanu Tahriibka ku tilmaamay aafo Qaran oo loo baahan yahay in wax ka qabadkiisa la iska kaashado.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu Tacsi u diray eheleda ay dhalinyaradu kaga dhinteen aafada Tahriibka, balse wasiirada shaqada iyo dhalinyarada ayaa iyagu ku dooday Dadka Tahriibayaa yihiin kuwo lacag haysta oo dalka uga baxaya sababo aan la garan ilaa hadda.

Wasiirka Madaxtooyada oo shalay ka hadlayey Kulan lagaga hadlayay aafada Tahriibka, ayaa yidhi “Waxaan tacsiyeynayaa intii Tahriibka dhibaato ka soo gaadhay ama carruurtoodu haku dhintaan ama haku dhaawacmaane, inta ku xaniban ee xanuunka Tahriibaysa, waana xanuun bulshada haya, aadbaanuna uga xunnahay, raali kama nihin, ma ogolin Tahriibka dawlad ahaan, Madaxwaynuhuna guddi ayuu u saaray, waxaana la qabtay ilaa 30 qof oo dadka Tahriibinayey, waana xukun sugge, waxaana la soo celiyey ilaa 300 dhalinyaro ah oo xuduudaha laga soo qabtay, waxaas oo dhami waa dedaaladii lagu baajinayey inaan dadkaasi badda isku tuurin, marka intaasi oo dhan la sheego Tahriibku waa masiibo bulshada lagusoo dhex tuuray, waana aafo qaranka ku habsatay, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu inaga bogsiiyo, waxaana aynu u baahanahay inaynu iska kaashano sidii aynu wax uga qaban lahayn, waxaan isleeyahay laba aafo ayaa jiray Qabyaalada iyo Qaadka, waxaana ku soo biiray Tahriibka”

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo inta badan qadiyada Tahriibka kaga hadla luuqad midaata, ayaa yidhi “Maanta (shalay) waxaynu isla qaadanaynaa in wax shaqo la’aan ahi aanay jirin, shaqo la’aantuna waxay noqotay wax lagu dhuumanayo, Carruurtii la garay ee dadkii waaweynaa ee cirada lahaa ayaa Tahriibaya, dadka Tahriibayaana 85% waa dad lacag haysta, dadkaasina waa khaa’imiin naftooda mahlako galinaya”

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xukuumaddu siyaasad cad ayay ka leedahay Tahriibka, Tahriibka waxa la yidhaahdaa shaqo la’aanbaa u sabab ah, laakiin ninka dibada u baxa ama Tahriibaa waa nin dhaqaale haysta, taasina waa wax cad”

Wasiirku waxa kale oo uu soo qaaday “Shalay (Doraad) shir ayaanu ku qabanay Maansoor, waxaan la sheekaystay ninka Huteel Maansoor leh, wuxuu ii caddeeyay inaan dalka shaqo la’aani jirin ee dadku aanay shaqeysanayn, huteelkiisa dadka ka shaqeeyaa waa dad shaqo-doon ah oo ka yimid dalka Itoobiya, waynu ognahay beeraheena, guryaheena iyo meheradaheena yaa ka shaqeysta, dadbaa inoo soo shaqo tagay, dadkuna waxay leeyihiin shaqo la’aanbaa jirta”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa maalin dhawayd war soo saaray, wuxuu yidhi u dulqaadan mayno mar dambe inay xuduudka Itoobiya iyo Suudaan ay fadhiyaan dadka Tahriibiya dadka, oo halkaasi hawli ka socoto oo dadka Somaliland ka baxa halkaasi laga saaro, gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa ayuu yidhi, anaguna waanu deba gali doonaa, wefti ayaanu u diri doonaa Itoobiya si aanu arintaasi xooga u saarno”