Dr. Cali Macow Oo Qarka U Saaran Inuu Ingiriisku Shaqada Ka Joojiyo

0
854

Picture2London(Geeska/W.Wararka)- Dhakhtarka caanka ah ee Soomaaliga ah  ee xarumaha caafimaadka ku leh dalka Ingiriiska Dr.Cali Macow Aweys ayaa baadhitaan lagu samaynayaa kadib markii laga duubay cajalad qarsoodi ah isagoo ka hadlaya Gudniinka Gabdhaha oo mamnuuc ka ah dalka Ingiriiska. Sidaa waxa toddobaadkan baahisay jariirada caanka ah ee Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska.

Dr. Cali Macow oo dhawaan ay guddiga mihnadlayaasha caafimaad ee qaranka Somaliland (NHPC),  u diiday inuu ka hawlgalo Somaliland, ayaa waxa helay suxufi si qarsoodi ah uga duubtay cajalad iyadoo iska dhigeysa haweenay dooneysa inay gudo gabdho ay eedo u tahay, waxaana cajaladan laga duubay dhakhtar Macow oo sida la sheegay sharaxaya sida uu haweenaydaasi u caawin karo in la gudo gabdhahaasi.

Booliiska Ingiriiska ayaa wareysi la yeeshay Dhakhtarka oo lasii daayey wallow ay hadda guddiga caafimaadka ee dalka Ingiriiska fadhi ka yeelan doonaan in Dhakhtarka ruqsada lagala noqdo.

Dr.Macow ayaa beeniyey inuu sameeyo wax gudniin ah isla markaana sheegay inaanu haweenaydaasi cajalada ka duubtay aanu waxba u balan qaadin, balse cajaladan oo aan weli la shaacin ayaa la sheegay inuu ka muuqdo dhakhtarka oo sawiraya habka gudniinka Fircooniga loo sameeyo.

Dhakhtar Macow ayaa labo xarun caafimaad ku kala leh caasimada labaad ee Birmingham iyo Waqooyiga magaalada London, ayaa sidan oo kale hore baadhitaan loogu sameeyey sanadkii 2012 xiligaasi oo suxufiyiin isqarinaya warbixin uga qoreen taasi oo lagu soo daabacay jariirada Sunday Times.

Guddiga qaabilsan kormeerka Dhakhaatiirta ayaa Salaadadii lasoo dhaafay 27 May, loo soo bandhigay cajaladii laga duubay iyo xidhiidhkii  Talefoonka ee dhexmaray haweenaydaasi iyo dhakhtarka.

Waxaa sidoo kale dhakhtarka lagu heystaa inaanu haweenaydan ka dhaadhicin inaanay gudin gabdhaha balse uu talo ku siiyey inay wadan kale gudniinka kusoo sameyso, xili uu dhakhtarku ogyahay in Gudniinka mamnuuc ka yahay dalka UK.

Dr. Macow, ayaa laba bilood ka hor loo diiday inuu ka hawlgalo Somaliland, ka dib markii la sheegay inaanu haysan takhsusyo caafimaad oo uu doonayay inuu baadhis ku sameeyo.