Faysal Cali Waraabe Oo Baarlamaanka Ugu Baaqay Inay Laalaan Ganacsiyada Kootada Loogu Xidhay Shakhsiyaad Gaar Ah

5
3690

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal
Cali Waraabe ayaa baarlamaanka u soo jeediyay inay jabiyaan
ganacsiyada kootada loogu xidhay cid gaar ah si meesha looga saaro
dastuur jabinta arintaas ay keensatay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa eexda ku tilmaamay mid meesha ka
saaraysa horumarka dalka iyo sida oo kale in sirta dalku ay banaanka u
baxayso, waxaanu sidan ka sheegay isaga oo ka hadlaayay soo dhawayn
loo sameeyay guddoomiyaha shirkada Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo
ku soo guulaystay hoggaanka ugu wanaagsan shirkadaha isgaadhsiinta ee
Afrika oo lagu qabtay dalka koonfur Afrika.

Guddoomiye Faysal Oo arintan ka hadlaayay waxa uu yidhi “Sharcigeenu
waxa uu dhigayaa suuqa furan oo wax la yidhaahdo kooto uu inaga
mamnuuc yahay taasi tartan ayay keenaysaa oo waa taas maanta Telelsom
ay Afrika oo dhan kor uga soo baxday, Somaliland waxay had iyo jeer ku
caan baxday inay jabiso sharciga, inta jeer ee dastuurkeena la jabiyay
ciidaas waa uu ka badan yahay,waxa ka mid ah kootadaas la xidhay
intaas oo shirkadood oo kala duwan oo kooto loo xidhay, waxaanu
leenahay hala joojiyo kootadaas suuqa xorta ah hala furo; 11 kaybal
ayaa mara Jabuuti oo badda ah, inagana waad ogtihiin midna inama
maro.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Sirteenii ayaa
khatar ku jirta oo meel ay timi eexasho horumar ma yimaado,
baarlamaanka sharci uma arko laakiin waa ay fadhiyaane ha jabiyeen
ganacsiga kootada lagu xidhay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here