Dareenka Reer Boorama Ka Bixiyeen Hadalkii Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu Ku Duray Odayaasha Dhaqanka

0
595

Waxa isa soo taraya hadal haynta iyo falanqaynta uu dhaliyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mud. Cali Xaamud Jibriil, hadalkaas oo salka ku haystay eedo iyo cambaarayn uu u soo jeediyay xisbiga Wadani iyo odaydhaqameedyo ka yimid Galbeedka Buro oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Boorama.

Dareenkan dadwaynaha ayaa ah mid qodob qodob u falanqaynaya hadalka Wasiirka, iyaga oo hadalkaas ku salaynaya xaalada uu maanta dalku ku jiro.

Miicaad Xuseen Rayaale oo ka hadlay aragtidiisa ayaa yidhi “Wasiirku waa masuul qaran, waxa uu ka hadlay wixii ay la ahayd iyo masuuliyadii saarnayd, waxa xaq in uu odayaasha u sheego inay heeryada qabiilka ka hoos baxaan oo ay ogsoonaadaan in dalku yahay mid dimuquraadi ah oo axsaabta qaranka u banaynaya inay loolamaan, looma baahna inay odayaashu xisbi u ololeeyaan.”

“Waa wax lala yaabo inay odayaashu xiisad abuuraan oo ay yidhaahaan maanta ayaa dalka dib looga talinayaa aayahiisa, dalkan 1991 ayuu aayahiisa ka tashaday, waana mid muqadas ah in uu qaranimadiisa la soo noqday, looma baahna in dadka dhinac kale loo jiheeyo, beelaha Galbeedka Burcona dalkan iyaga ayaaba madaxwaynihii ugu horeeyay ka soo noqday, odayaashana in la toosiyo waa ku saxsan yahay wasiirku oo waa sidii aan aniguba yeeli lahaa” sidan waxa yidhi Guuleed Bare Miigane oo ah arday dareenkiisa cabirayay.

Marwo Sacaada Xasan Abiib ayaa iyaduna tidhi “Odayaasha looma baahnayn in uu wasiirku u jawaabo, waxa ay ahayd inuu mucaaridka si toos ah ula hadlo, ma ahayn in qaladka ay galeen odayaashu uu qalad kale ku saxo wasiir Cali, gun iyo baarna waxa aan leeyahay odayaasha Wasiirku ha raaligaliyo.”

Muxumed Sugaal Cawl oo ah oday gedihiisa ku sheegay dhawr iyo kontonjir ayaa yidhi “Siyaasada ayaa dhinacyo badan leh, odayaashana waa looga fiican yahay inay ku dhex milmaan siyaasiyiinta, waxa aan talo u soo jeedinayaa odayaasha oo aan leeyahay aan ku ekaano xayndaabkeena dhaqanka, waayo karaamadu halkaasi ayay taalaa, Wasiirkana waxa aan leeyahay Oday waa aabo, aabona waad qaldantahay lama yidhaa ee sidan-sidan ayaa ka wanaagsan ayaa la yidhaa, sidaas ayayna arintaasi ku haboonayd.”

Axmed Barkhad Xuseen oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa isaguna dhinac kale ka istaagay arinta waxana  uu yidhi “Wasiir Cali waa geesi jecel inuu wax walba meesha ay joogaan ku saxo, waan ku hambalyaynayaa inuu ku dhiiraday inuu odayaasha u sheego qaladkooda, waxana aan xusayaa inay talaabada uu wasiirku qaaday ay tahay tii ku haboonayd, waan ku taageersanahay in falkaasi la cambaareeyo, waayo lama joogo waqti olole, lamana joogo dal ay wax walaba yihiin is daba yaac, waa in kala dambaynta la sugaa waana talaabo ku saxsan in odayaasha lagu toosiyo.”

Xasna Cabdilaahi Cabdi ayaa iduna qabta sidan “Hadii aanan waxa dib u dhaca u keenaya dalkan laga qaban waan isla dumaynaa oo xaalkeenu Muqdisho ayuu noqonayaa, Wasiir Cali taasi ayauu ka hortagayay oo dalkan ayuu badbaabinayay, waxa uu dareensanaa inaan loo baahnayn in beelo-beelo dib loogu laabto, waxana ay talaabada uu qaaday ahayd mid u quusgoynaysa cid walba oo qarankan dib u dhac la maagan, Wadanina waxa aan leeyahay odayada karaamada ha ka qaadin ee u daa miiqaamkooda dhaqanka ah.