Doorka Iyo Kaalinta Guddiga Wanaag-Faristu Bulshada Ku Dhex Leedahay? Waxa Qoray Ceelaabe

10
975

Wax la isku Kaashado ama laga Wada Shaqeeyo waxa ugu Fiican Wanaaga iyo Faafintiisa.Diinta Islaamkuna waxa ay inagu Dhiirigelisey in aynu Gacmaha isku Qabsano oo loo Midoobo wixii Wanaag ah,Waxaaney sidoo kale inooga Digtay in Xumaha la isku tageero.Waxa Diinta Ku Sugan in Xumaha/dembiga lagu suuliyo Hadal,gacantana wax lagaga qabto ugu danbeyntana Qalbiga iyo Niyada laga naco lagana Fogaado Meeshaasi haddii hadalka iyo gacantu waxba ka qaban Kari waayeen.Waxa Waajib ah in laga Hadlo ama wax laga qabto Dembiyada iyo Gefafka Bulshada u horseedi kara Macaasi waa weyn iyo Cadho ilaahay intaba.Dadku wey badan Yihiin, laakiin inta Hadleysa ama Wanaagooda ka talineysaa wey yar tahay,Dadku wey badan yihiin,laakiin inta Wax maqleysa ama ku Dhaqanta Sunaha Rasuulka (NNKH) wey yar tahay.Dadku wey badan Yihiin,laakiin waxa Yar inta Kheyrka dooneysa ama u heelan.

Dhamaanteen Xumaha ma Jeclin,Hadana wuu inaga  Dhacaa gefka iyo Khaladku.qeybo badan oo ka mid ah dembiga iyo Macaasida la inoo sheegay ayaa laga Yaaba in agteen lagu Sameeyo ama aynu aragno,Laakiin dadka ka hadlaya ama wax ka qabanayaa wuu yar yahay.Maxaa Markasta Yareeyey dadka Wanaaga ka shaqeeya ama u dhaqdhaqaaqa.Maxaa Markasta dadka Kheyrka iyo Aakhiro ka hadla loo Dhibaa ama weerarka loogu hayaa.Ma ogtahay in Maalintii Diinta Suuqyada lagu dhex Caayo oo hadana la iska wada Dhaafo.Laakiin haddii Inaadeerka dhulka lagu qabsado aad Qoriga la boodeysaa.

Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan Ka reebista waxa loo aas aasay  sidii ummada reer somaliland u noqon laheyd kuwo wanaaga ka shaqeey si dhaqanka suuban loo ilaaliyo,Xumantana la iskaga qabto.

Maaha Gudigaasi oo Keliyi Dadka waanaaga ka Shaqeeya Culimo,Wadaado iyo Dad badan oo Kheyrka ka shaqeeya ama ku feegan Ayaa jira laakiin aan la aqoonin ama Guddiga wanaag farista aan ku Jirin.Kuwaasi oo aan soo Dhaafin Masaajidkooda.

kooxdani Guddiga wanaag Faristu waxey u soo ban baxeen ama lagu bartey faaf

inta,Hirgelinta,Wacyigelinta iyo ka shaqeynta Kheyrka iyo Wanaaga Bulshada Guud ahaanteed intii ilaahay ka Gaadhsiiyo.

Wadaadka Surfta is Hordhigey,Madarisadana Masaajidka looga Dhinac

Dhisey,Muxaadaradana Halkaasi ka Mariya,Lacago ama Dhaqaale Carabta ka soo Gaadhana Jeebka ku Rita,Hab qabiilna Masaajidka loogu Dhiibey,waxa Dhaama dadka Dhaqaalahooda iyo wakhtigooda aan Carabina siinin cid kalena siinin diinta ku maalgeliya ama ugu shaqeeya.

Maxey Gudiga Wanaag Farista iyo Xumaan Ka reebistu ku Tuseysaa.Waxa lagala soo Bixi karaa in Bulshadu ayna wada Dhiman.Bulshadu weli in ay Muslin tahay,Bulshadu in ay weli Kheyr iyo wanaag Rabto,Bulshada in diinta lagu soo Xidho ama la baro.Bulshadu in ay Xumaha neceb tahay Dhana uga soo Wada jeedo,Bulshadu in ay ku hawlan tahay Raali gelinta Ilaahay.Bulshadu in ay Cadow ka dhigtaan Shaydaan ee ayna iyagu cadow isku noqonin.Arimahaasi iyo kuwo kaleba waa yoolka iyo Higsiga qofkasta oo Wanaag iyo Kheyr naftiisa iyo dadkaba la raba.

Bulsho Furfurmeysa ama Dhaqamo Shisheeye ku Dhex milmeysa.Bulsho isku socodka wadamada Jaarka iyo Qurbuhu ay Saameyn ku yeelan Karaan Diintoodii.Bulsho wakhtigan Dhalinyarta u soo Kaceysa ay noqotey kuwo ama Qaar intoodii badneyd ay ka Leexdeen Jidkii saxda ahaa.Shacab aad Moodo in Meelo badan Afka uun ay diinta ka heystaan.Bulsho Cashar xun xun ka barta macalinka qalaad ee Tvga oo bixiya Daawasho Filimaan ku saleysan Khiyaali iyo Dhaqamo kale.Bulsho Dembiyada iyo Cayda loo Geysto ilaahay,Rasuulka,Malaa,igta ay ku soo badaneyso.Haddii aynu  helno koox is xil qaantay,iyo dad firfircoon oo u dhaqdhaqaaqa ka hortagida ama wax ka qabashada arimahaasi waxa keliya haboon in taageero dhaqaale iyo mid muruqba la siiyo.Nolol wanaagsan iyo Jidka saxda ah qof kula raba ha moodin in uu cadow kugu Yahay.

Gudiga Wanaag faristu waa Koox Wadaado,Culimo iyo Dhalinyar intaba Yeelan karta kuwaasi oo ku bahoobey isku tagna u sameystey faafinta wanaaga iyo ka hortagida Xumaha sida laga soo arkey.Waa Koox ka duusha Mabda ahaan Sunaha Rasuulka SCW iyo Kitaabka Quraanka .Waa koox Xafiis hawl gala Caasimada ku dhex leh.waa Koox baabuuro u gaar ahi ay u shaqeyso,Kuwaasi oo ku bixiya Muxaadarooyinka,Ogeysiisyada, kuna qaada Culimada iyo Shaqaallahooda Faafinaya Wanaaga.Waa koox u badan Wadaado waa weyn iyo Odayaal Xaafadaha laga Dhex Sameeyey.

Weynu Sameynaa NGos kala duwan oo lacago lagu Cuno laakiin Dad diinta u dhaq-dhaqaaq,Wakhti iyo Maalna u soo hura ayaa inagu Yar.Gudiyo la shaqeeya Guddiga wanaag Farista Ayaa xaafadaha ama Degmo kasta laga Sameeyey.Waxaanad Dareemi kartaa in Guud ahaan Gobolka Maroodi Jeex laga Yaqaano Guddiga wanaag Farista iyo Xumaan ka reebista.Waxa laga Hirgeliyaa Muxaadarooyin Joogta ah Meelo badan Jimcaha casarka ka dib.Waxa kale oo Suuqyada iyo Shaarica lagu qabtaa Wacdiyo kala duwan.

Gudiga Wanaag Farista waxa iiga Muuqdey dardar Gelin la xidhiidha Dhinaca Hawlaha ay isku Magacabeen.Waxaana Hada xilka Haya Maamul cusub oo badalay kii hore  "ilaahay ha u naxiirsto Gudoomiyihii guddiga ee beriga Dhaweyd Dhintay".Hawlaha Gudigu waa ilaalinta amaanka iyo Nabada,Wacyigelinta iyo Faafinta Diinta Islaamka,Baraarujinta shacabka,bixinta Ogeysiisyada la xidhiidha arimaha Diinta,Sameynta Gudi hoosaadyo ka hawl gala xaafadaha,Degmooyinka iyo Guud ahaan gobolada.Masaajidada iyo tabarucaadka oo la badiyo Sida ay Wax qabadkooda inagu Tuseen.xalinta wixii khilaaf bulshada ku keeni kara iyo dhiirigelinta iyo qeybida Quraanka kariim ah.

Gudigu wax ay ka hoos Shaqeysaa Wasaarada diinta iyo awqaafta iyo Xukumada Somaliland.Inkasta oo Shaqo buuran ayna Wasaarada diinta iyo awqaaftu qaban oo la odhan karo wax badan ayaa wasaarad ahaan ka dayacan hadana Gudiga waxa xaq loogu leeyahay talo bixin iyo wada shaqeyn.Wey Jirtaa arimo Gudigu wax ka qabatay sida in laga hortago,Dilka,Dhaca,Boobka ama Tuugnimada Habeenkii.waxaana lagu dhawaaqey in Gudigu ay qaban doonto wixii dhalinyar ah ee Habeenkii meel taagan ama xumaan lagu arko.In dhaqan Xumada iyo wixii amaanka khalkhalinaya meel looga soo wada Jeesto gacan bir ahna la iskaga qabto.

Wey Jirtaa in marar badan la arkay Xukuno lagu riday dad kala duwan oo lagu soo Qabtay ama xidhay arimo la xidhiidha af lagaado diinta lagula kacay iwm. Xukun Xadhig Saddex Bilood ah Ayaa maalin Dhaweyd Guddiga wanaag-Farista iyo Xumaan ka reebista baligubadle ay ku riday niman loo heystey.Gudigu maaha Dawlad,Mana aha Wasaarad oo Xukuno Culus kuma talaabsan karaan laakin wey ka talo bixin karaan Keliya.Wixii la xidho waxa la Sii mariyaa Dawlada ama W.Diinta iyo awqaafta oo Go,aankaasi Saxeexi karta Jeelasheedana geyn karta.

Gudiga wanaag Farista waxa aad loo bartay ama meelo badan laga Maqlay berigii dhaweyd ee ay ku dhawaaqeen in la dhimo ama intii hore laga Yareeyo Kharashka ku baxa Guurka.Kuwaasi oo Go,aamo iyo Qiimayaal sar go,an ka soo saaray.Arintaasi oo in badan bulshadu ka dooday,dadka qaarkoodna ay soo Dhaweeyeen laakiin aan u hano qaadin sidii ay rabeen iyada oo Marxalado badani ay ka Jiraan wadanka gaar ahaan Nolosha Caasimada Hargeisa ama Guud ahaan Gobolka maroodi Jeex.

Waxaan idinku Dhaafayaa "Qof kasta oo Muslin ah waxa waajib ka saaran yahay diintiisa Islaamka.waxaana laga rabaa in la faafiyo Wanaaga xumahana laga hortago ama la baajiyo.Diinta Islaamku maanta ayey hiil inooga baahan tahay,aakhiro waxba inoogama baahna."Propagation of Virtue and Prevention of Vice".

Ceelaabe

Comments are closed.