Jamhuuriyadda Kosovo Oo Isniintii Si Dhamaystiran U Noqotay Qaran Madax Bannaan

0
747

kosocovKosovo (Geeska/W.wararka) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Austria Michael Sbindliger ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalintii Isniintii ee doraad ay ahayd maalinta ay jamhuuriyadda Kosovo noqotay dal si buuxda u madax bannaan, kadib markii bulshada caalamku shir ay ku yeelatay magaalada Vienna ee caasimadda u ah Austria iskula qaadatay go’aan ah in la soo gabagabeeyo hawshii kor-joogtaynta iyo la socoshada ahayd ee dalkaas ay qaramada midoobey talada maamul ee dalkaas kaga qayb qaadanaysay.

Wasiir Sbindliger oo arrinta warbaahinta kala hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Tani waa astaan cad oo muujinaysa kalsoonida loo hayo Kosovo” wakaaladda wararka dalka Jarmalka ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Austria Sbindliger ka soo xigatay in uu yidhi, “Kosovo waxa ay hadda noqotay dal qaangaadh ah oo isku taagi kara labadiisa cagood, si buuxdana u qaadi kara masuuliyadda mustaqbalka mudaawiniintiisa oo dhan”

Kooxda caalamiga ah ee hagista Kosovo oo ka kooban 23 dal oo ah dalal reer Yurub ah iyo dalaka Turkey iyo Maraykanka ayaa oo muddo ku lug lahaa maamulka iyo caawinta xukuumadda dalka Kovoso ayaa afar sano iyo badh kadib markii ay Kosovo ku dhawaaqday in ay ka madax bannaanaanayso dalkii la isku odhan jiray Serbia waxa ay hadda bilaabeen tallaabooyin rasmiya oo ay talada dalka dhammaanteed ugu gacan gelinayaan dawladda maamulka haysa.

Raysalwasaaraha dalka Kosovo Haashim Thaaji oo maalintii Axadda gaadhay magaalada Vienna si uu uga qayb qaato shir ay halkaa ku lahaayeen dalalka hoggaaminta Kosovo, ayaa si rasmi ah u metelayey dalkiisa isla markaana si buuxda oo kama dambays ah gacanta loogu geliyey masuuliyadda hoggaamineed ee dalkiisa oo hore ay dalalkan iyo Qaramada midoobey ula wadeen. Raysalwasaaraha waxaa lagula dardaarmay maamul wanaag, waxaana si rasmi ah loo xidhi doonaa xafiiska uu dalka Kosovo ku lahaa Pieter Feith oo isagu bulshada caalamka uga wakiil ahaa maamulidda Kosovo.

Laakiin waxaa dalka sii joogi doona khubaro reer Yurub ah oo gacan ka geysta dhismaha booliiska, hay’adaha amniga iyo garsoorka dalkan curdinka ah, waxaa iyagun sidoo kale muddo sii joogi doona dalka ciidamada nabad ilaalinta ee qaramada midoobey oo lagu magacaabo KFOR intii muddo ahna dalkaa u joogay ilaalinta xasiloonida iyo amniga iyo weliba dhowridda nabadgelyada dadka laga tirada badan yahay oo u badan kuwo asal ahaan ka soo jeeda dalka Serbia oo ah dalka Kosovo ka go’day aadna ay u neceb yihiin dadka reer Kosovo oo xasuuq iyo xadgudubyo tiro badan ka tirsanaya.

Dadkaas Serbian ka ah oo qiyaastii boqolkiiba 10 ka ah dadka reer Kosovo ee tiradooda guud tahay 2 Milyan iyo boqol kun oo ruux ayaa ku doodaya in ay ka cabsi qabaan in dadka reer Kosovo ka aargoostaan haddii ay qaramada midoobey iyo ciidamadeedu faraha ka wada qaadaan dalkaas.

Dalka Kosovo oo caasimaddiisu tahay magaalada Prishtina waxa uu ku yaallaa dhanka bari ee qaaradda Yurub, dadkiisana boqolkiiba 92 ka soo jeedo qawmiyadda Albanian ka ayaa ah muslim. Kosovo waxa ay madax bannaani ku dhawaaqday sannadkii 2008-da iyada oo gacan aad u weyn ka heshay dalalka Yurub iyo Maraykanka oo uga hiiliyey dalka Serbia oo si ba’an u xasuuqay dadka reer Kosovo, laakiin illaa Isniintii waxaa talada dalka maamulkeeda wadaagayey xukuumadda Kosovo iyo dawladaha aynu kor ku soo sheegnay, welina si rasmi ah ugamay mid noqon qaramada midoobey.