Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintay Qaraxyo Kala Duwan Oo Ka Dhacay Dalka Ciraaq

0
642

pakistanUgu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintey 40 kalena waa lagu dhaawacey qarax ka dhacey suuq ku yalla magaalada Al-Diwaniya ee ku taalo dalka Ciraaq.

Dhowr ruux oo kale ayaa ku dhintey ama ku dhaawacmey qaraxyo kale oo ka dhacey magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.

Magaalada Karbalaa waxaa ku dhintey afar ruux kadib markii baabuur lagu soo rakibey waxyaabaha qarxo lala beegsadey dadka haysta mad-habka Shiicada oo cibaadeysanaayey.

Qaraxyada ka dhaco dalkaasi Ciraaq ayaa sare u kacey toddobaadkan. Bishii June ee tagtey ayaa noqotey bisha uu dhiiga ugu badnaa ku daatey dalkaasi tan iyo ciidamada Maraykanka ay halkaasi ka baxeen bishii December ee 2011.

Qaraxa Al-Diwaaniya waxaa uu ka dhacey suuq ku dhow masaajid ay Shiicadu ku ciibaadeystaan. Halkaasi waxaa ku sugnaa dad doonayey inay u Xajiyaan magaalada Karbalaa.

Dadka haysta mad-habka Shiicada ayaa xusaya xilligii uu dhashey mid kamid Imaamyada Shiicada, waxayna isugu tegaan magaalada Karbala.