Baanka Adduunka Oo Soo Bandhigay Daraasaad Ay Ku Sameeyeen Dekedda Berbera

0
545

 

berbaraHargeysa(Geeska)-Baanka Adduunka ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo bandhigay daraasad iyo qiimayn ay ku sameeyeen dekedda magaalada Berbera iyo doorka ay ka qaadan karto kobaca dhaqaale ee dalka, waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada.

 

Kulanka uu baanka adduunku ku soo bandhigay daraasadooda dekedda Berbera oo socon doona laba maalmood, waxa kale oo ka qayb galay isu duwaha baanka adduunka u qaabilsan Somaliland Mr. Najiib Xasan Xaashi, qaar ka mid ah ganacsatada dalka iyo masuuliyiin sare oo ka socday baanka adduunka.

Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan oo kulankaasi furay ayaa uga mahad-celiyey qaban-qaabiyayaasha kulankaasi waxana uu sheegay in daraasadan laga sameeyey dekedda Berbera iyo doorka ay ka qaadan karto koboca dhaqaale ee dalka , isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay ganacsatada Somaliland oo uu sheegay in ganacsigoodu yahay mid uu wadanku ku tirsan yahay. waxuuna uga mahadceliyey wakiilka Baanka adduunka ee Somaliland sida uu isaga xilsaaray diyaarinta daraasadani.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr sacad cali Shire ayaa isaguna hadal uu kulankaasi ka jeediyey waxuu ku faahfaahiyey Dekedda Berbera iyo muhiimadda ay ugu fadhido qarankan Somaliland.

Mudane Sacad waxa uu sheegay in Dekeddu qiimo weyn ugu fadhido wadamada Gobolka ku yaalla isla markaana ay lama huraan tahay in laga hawlgalo hagaajinteeda iyo sida loogu sahlayo.

Mudane Najiib Xasan Xaashi oo ah isuduwaha baanka adduunka ee Somaliland oo isna kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in baahida loo qabo dekedda berbera aanay ahayn mid ku kooban dalka Somaliland, balse ay tahay mid daraasadaynteedu gaadhayso wadamada deriska ah.