Doodii Baarlamaanka UK iyo Su’aalihii Somaliland

0
843

London, (Geeska)-Mudanayasha Baarlamaanka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa su’aalo ku saabsan Somaliland iyo shirka London weydiiyay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. William Hague iyo Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mr. Henry Billingham, kuwaas oo golaha ku hortagay dood khamiistii qabsoontay.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo qaramada Midoobay, Henry Billingham ayaa ka dhawaajiyey in shirka London lagu go’aansan karo sidii afti looga qaadi lahaa shacabka Somaliland ku saabsan madaxbanaanidooda.

Xildhibanada baarlamaakna Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka arrimaha dibedda ku weydiinayey xukuumada Ingiriiska ayaa xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku ugu xaqiijiyey kala duwanaanshaha xaqiiqada ka jirta Soomaaliya iyo go’aanka Madaxweyne Siilanyo e eka qeybgalka shirka.

Guddida arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska oo su’aalo kala duwan halkaa ku weydiiyey masuuliyiintii ka scoday xukuumada Ingiriiska ayaa qaar ka mid ah su’aalahaa iyo jawaabahii ay ka bixiyeen u dhaceen sidan:

Alun Michael: Mr, Hague, waxaad sheegtay in Soomaaliya labaatankii sannadood ee u danbeeyey dawlad dhexe aanay lahayn, laakiin waxaa ka jiray xukuumad shageysa Somaliland, balse aan loo aqoonsan dal gaar ah. Ma ku dhiiran karaa inuu xaqiiqsado faraqa u dhexeeya xaaladaha Koonfur iyo Waqooyiga?

William Hague:Haa, xaqiiqdii. Saaxiibkay waxuu ahaa khabiir iyo saaxiibka Somaliland muddo badan, dhabtiina kala duwanaashahaasi wuu jiraa. Waan la xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland si aan ugu dhiiriyo inuu yimaado shirka London, sidoo kale saaxiibkay Wasiirka xidhiidhka Caalamigu waxuu booqday Somaliland. Gargaar dhinacyo badan leh ayaan siinaa, waanan dareensanahay inay tahay meesha ugu xasiloon soomaaliya, waanan soo dhoweynaynaa ka qeybgalkooda shirka.

Alun Michael: Saaxiibaday, ma isla qaadan karnaa habkay ku heli lahaayeen gargaar horumarineed intaanay aqoonsi helin, sidii goob nabadgelyo ama dal madaxbanaan. Maaha shacabka Somaliland in laga ciqaabo xaga horumarinta?

Martin Horwood:Saaxiibkay arrin muhiim ah ayuu sheegay, oo ah mid aan dhowaan ka hadli doono. Waxuu bayaamiyey muhiimad aay leedahay abuuritaanka Hay’ada horumarinta Somaliland, dhab ahaana waan soo dhoweynayaa. 

Xaalad aaqoonsiga waa mid culus, waana mid mushkilad ku abuuraysa Ingiriiska hadduu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada, sida Itoobiya mushkiladku noqonayso haday dalka ugu horeeya ee aqoonsada noqoto. Waxaan ku dedaalaynaa inaan ku dhiirigelino dalalka ahaan jiray hogaamiyeyaasha Afrika sida Ghana, Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya inay u dhaqaaqaan aqoonsiga Somaliland.

Edward Leigh: Xildhibaan Martin Horwoodwuxuu ina weydiiyey halkaan ka helay warka in boqolkiiba wax yar mucaawimada XKG la siiyo gacmo kale ku dhacdo, maxaa laga cadeyn karaa?

Henry Bellingham: Waxaan cadeynaya inaan weli mucaawimada si toos ah gacanta looga gelin xukuumada ku-meel-gaadhka, laakiin badi tagtay Muqdisho. Waana sababta aan u doonayno abuuritaanka guddi maamusha.

Shirka London waa mid muhiim u ah Madaxweyne Siilanyo, waan lagu martiqadaay ka qeybgalkiisa, waxaanan filaynaa in Somaliland wax badan ku biirin karto shirkan. Waxay u sheegi karaan Soomaalida kale siday wax u dhisteen, sida doorashooyinkoodii hab nabadgelyo ugu qabsadeen, iyo sababta ay saaxiibo wanaagsan ula yihiin Ingiriiska. Go’aankiisu mid geesinimo isla markaana saxa ayuu ahaa.

Saaxiibkay Banbury ayaa i weydiiyey in meqaamka Somaliland sare u qaadi doono ka qeybgalkeeda shirku. Waxaanan aaminsanahy sidaa inuu sare u qaadi doono meqaamkeeda. Madaxweyne Siilanyo waxuu heli doona fursad uu ku hadlo. Ka qeybgalkooda shirkan caalamiga ah waxuu u sahli doonaa inay hogaamiyeyaasha caalamka u sharaxaan sida ay heerkan ku gaadheen iyo sababta guushooda.

Alun Mitchel: Wasiirku waxuu ka hadlay ku celinta budhcad badeedka Somaliland, iyagoo aan u dhalan Somaliland, mise sababta ay sidaa u yeelayaan waxay ku xidhan tahay taageerada beesha caalamku siinayso?

Henry Bellingham:Waa sidaad u sheegtay. Budhcada qaarkood laga yaabo inay ka soo jeedaan qabaa’il Somaliland ah, halka qaar kale reer Puntland yihiin ama koonfurta. Waana muhiim si mushkiladooda loo dhameeyo inaan heshiis is-afgarad laga gaadhno.