Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday taliyihii guud ee ciidamada qaranka Md. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) iyo abaandulihii ciidamada qaranka Md. Ibraahin Caydiid AxmedIbraahin Caydiid Axmed. Taliyaha cusub ee ciidamada qaranka waxa loo magacaabay General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale), halka abaanduulaha ciidamada qaranka loo magacaabay Cabdilaahi X. Jaamac (Calas).
Labada warsaxaafadeed ee uu Madaxweyne Siilaanyo masuuliyiintaas cusub ku magacaabay, kuwii horena xilka kaga qaaday waxa ay u dhignaayeen sidan:
Taliyaha ciidamada qaranka
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliye cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;
Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale)laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xilka qaadis
Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka, ka saaran qaranka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.
Abaandulaha
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Abaandulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;
Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaandulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xilka qaadis
Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaa hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Ibraahin Caydiid Axmeduga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka qaranka.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas)oo aan xilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka.
Comments are closed.