Badhasaabka Saaxil Oo Beeniyay In Lagu Xidhay Maraykanka

1
645

Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Saaxil Maxamuud Cali Salebaan (Ramaax), ayaa beeniyay in lagu xidhay dalka Maraykanka oo uu safar ku tagay.

Qaar ka mid ah mareegaha Internetka ayaa lagu baahiyay inuu Maraykanku xidhay badhasaabka oo ay sheegeen in looga shakiyay argagixiso iyadoo lagu qabtay lacag Dollar ah. Laakiin Guddoomiye Ramaax oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika isagoo jooga dalka Maraykanka, ayaa wuxuu beeniyay warkaas, “Aad baan uga xumahay in warkaas been abuurka ah layga baahiyo, aniga layma xidhin, waxaanan la joogaa reerkaygii oo degen Ohio, cidda warkaas baahisayna waa cid aniga sumcad xumo iyo ceeb ila doonaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Cidda warkaas qortay waan dabagalayaa maxkamadda ayaanan la galayaa, waayo sharaftaydii iyo shakhsiyadaydii ayaa la dilay.”, waxaanu intaas ku daray inaanu ahayn nin lagu xanto arrimo musuqmaasuq.

Badhasaabka oo la weydiiyay ujeedada safarkiisa Maraykanka, wuxuu yidhi, “Anigu arrimo caafimaad ayaan u baxay, waanan fiicanahay Alle mahadii.”

Comments are closed.