Diyaaraddii Ugu Weynayd Shirkadda Daallo Airlines Oo Soo Caga dhigatay Madaarka Hargeysa

3
554

Picture4Hargeysa (Geeska) – Madaarka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport, ayaa waxa shalay soo caga dhigatay diyaarad ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee shirkadda diyaaradaha ee DAALO AIRLINE, taasi oo si joogta ah uga shaqeyn doonta.

Diyaaraddan oo la mid ah diyaaraddii Axaddii Doraad soo fadhiisatay garoonka diyaaradaha Hargeysa oo ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hawl-wadeenada madaarka diyaaradaha Hargeysa.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay 737-300, ayaa waxa markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Cigaal warbaahinta la hadlay isla-markaana sawir ka bixiyey casriyeynta dhabbaha diyaaradduhu ka haadaan ee madaarka Hargeysa Kabtanka diyaaraddan, waxaanu sheegay in casriyeynta dhabbaha lagu sameeyay ay gaadhsiisan tahay meel wanaagsan “Aad baanu ula yaabnay wanaagga dhabbahan (Run-way), boqolkiiba boqolna waa sida kuwa Yurub” ayuu yidhi Kabtanka diyaaradda Daallo Airline ee shalay soo fadhiisatay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaanu intaa ku daray “Aad baan ugu qanacsanahay Dhabbahan”

Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna ka hadlay imaanshiyaha madaarka Hargeysa ee diyaaradda Daallo Airlines, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) oo ah maalintii labaad oo aanu soo wareejinay diyaaraddii Daallo Airline duulimaadkeedii u horeeyay, waydinkaa maqlayey Kabtanka diyaaradda waday ee ah khabiirka Ruushka ah, waakaa ka markhaati kacay xaaladda dhabbaha garoonka diyaaradaha iyo inuu yahay garoon aad u qiimo badan oo kuwa Yurub la mid ah”

Wasiirka duulista Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “Wixii rag u kaco, Rabbina caqbalo way rumoobaan” ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey “Sidaas ayaanu diyaaradaha ku wadi doonaa, waxaanu u rejaynaynaa bulshada iyo qarankan oo dhan, garoonkana qayb dheeraad ah ayaanu ku dari doonaa si diyaaradaha dunida ugu waaweyni ay halkan uga duulaan, waxaanu doonaynaa inaanu maalgashadayaasha adduunka soo dhiirigalino oo aanu soo jiidno, taasina waxay u baahan tahay dekeddu wanaagsan, wadooyin wanaagsan iyo Madaarro wanaagsan, xukuumaddana siyaasaddaasi ayay ka duulaysaa oo udub dhexaad u ah”

Wasiirka waxa kale oo uu ka hadlay nooca diyaaradda iyo tirade dadka ay qaadi karto “Diyaaraddan waxa la yidhaahdaa 373-300, tan iyo tii shalay (Doraad) halkan ka degtayba waa diyaarad aan waligood soo fadhisan dhabbahan, waxay muujinaysaa horumarka iyo isbedalka ku dhacay, ninna diyaaradihiisa kuma miidaamiyo meel aanu hubin, tan iyo tii horeba garoonkeena iyo waxa yaalaba way ka qiimo badan yihiin lacagtay ku fadhiyaan, khuburaduna hore ayay u wada yimaadeen iyagga oo sahan ah, waanu isla eegnay, markaa xukuumaddan iyo qarankaba guul weynbay u tahay, waana horumar la taaban karo”ayuu yidhi.

Maamulaha shirkadda Diyaaradaha DAALLO AIRLINES Muniir Abusite oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay si rasmi ah Madaarka Hargeysa uga bilaabeen duulimaadyadooda isku xidhaya Somaliland iyo adduunka intiisa kale.

Comments are closed.