Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 22aad)

0
571

1Wargeysku waxa uu sheegay in Kelton uu muddo si aad ah u bukay, laakiin aakhirkii ay xaaladdiisu ka soo raysay, kadib markii qalniin lagaga sameeyey caloosha.

Kelton qudhiisa iyo saraakiisha kale ee sirdoonka Maraykanka ah ee aaminsan in sirdoonka Baakistaan uu sumeeyey Kelton waxa ay arrintaas ku sababaynayaan aargoosi ay ISI doonaysay in ay ka aargoosato CIA oo kaga baxday wacadkii ay ka heshiiyeen ee la xidhiidhay dilkii Usaama Bin Laadin. Iyo sidoo kale Kelton oo ay Baakistaan aaminsan tahay in aanu sidii ay ula shaqaysay si la mid ah iskaashi ula samayn intii uu dalkeeda ka hawlgalayey.

Been waa ay noqon kartaa in sirdoonka Baakistaan aanu arrintan ku lug lahayn, waana suurtogal in ay taasi keentay sababta illaa hadda uu Maraykanku si badheedh ah Baakistaan iyo sirdoonkeeda ugu eedayn waayey xanuunka taliyahooda sirdoon ee Baakistaan u fadhiyey, laakiin warka muhiimka ah ee halkan ku jira ayaa ah, in tuhun inta uu doono ha le’ekaado ee uu Maraykanku farta ku fiiqo Baakistaan, macnaheedu uu yahay in kalsoonidii ka dhexeysay labada sirdoon iyo si gaar ah masuuliyiinta sirdoonka Baakistaan iyo CIA ay aad hoos ugu dhacday ama meeshaba ka baxday.

Kelton oo 59 jir ah ayaa mar uu wargeyska Washington Post la xidhiidhay, diiday in uu wax waraysi ah bixiyo, laakiin su’aalo kooban oo uu wargeysku Talefanka ku weydiiyey sababta uu xanuunkiisa u malaynayo in ay keentayna, waxa uu si kooban u sheegay in aanay weli caddayn in Baakistaan ay ka dambayso arrintan, laakiin haddana aanu isagu ahayn qofka keliya ee sirdoonka CIA ka tirsan ee ka shakisan in la sumeeyey. Hadalladaas oo laga fahmay in uu jiro tuhun isaga iyo masuuliyiinta kale ee CIA qabaan oo ah in Baakistana ay ka dambayso sumaynta masuulkan.

Dhinaca kalana Kelton waxa uu diiday in uu ka jawaabo su’aalo toos ah oo la xidhiidhay xanuunkiisa, iyo tuhunkaas aynu xusnay labadaba, waxa aanu hadalkiisa ku soo koobay, “Waxa aan jecelahay in aan iska illaawo dhammaan sheekada waqtigaas murugada badnaa”

Warbixinno dambe oo ay faafiyeen wargeysyo ay ka mid yihiin Daily Mail iyo International Bussiness Time ayaa sheegaya in Madaxii hore ee hawlgallada CIA ee dalka Baakistaan Mark Kelton uu aaminsan yahay in sirdoonka Baakistaan ay sun siiyeen iyaga oo ka cadhaysan hawlgalkii Maraykanku ku dilay Usaama Bin Laadin.

Kelton ayaa bishii May 2011kii hoggaaminayey weerarka lagu qaaday dhismaha magaalada Abbottabad ee lagu dilay Usaama Bin Laadin, laakiin muddo gaaban kadib ayaa si kedis ah dib loogula cararay dalkiisa Maraykank si looga soo daweeyo xaalad caafimaad oo lagu tilmaamay mid aad u xun.

Sarkaal aan magaciisa la sheegin oo wargeyska Washington Post u warramay ayaa isaguna sheegay in laba bilood kadib hawlgalkii lagu khaarajiyey Usaama Bin Laadin, sarkaalka Mark Kelton xanuun soo booddo ah oo aad u darani uu ka qabtay uur ku jirta.

Xanuunkan soo booddada ah ee Kelton aad ayaa uu u darnaa, sababta keentayna waxa ay noqotay hal-xidhaale keenay in masuuliyiinta sirdoonka CIA ay ka shakiyaan in wakaaladda sirdoonka Baakistaan ee Inter-Services Intelligence (ISI) ay sumaysay. Sababta ay dawladdu sheegtay in ay keentay saaritaanka Mark Kelton ay keentayna waxa ay ahayd in ay jirto xaalad xaafimaad oo sababteeda aan la fahmin weli iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Baakistaan oo sii xumaanaya.

Kelton markii uu dhakhtarka ka baxayba waxa uu qaatay hawlgab, xaaladdiisa caafimaadna qalniin uur ku jirta lagaga sameeyey kadib waa ay ka soo raysay. Waxa aanu diiday waraysiyo ay warbaahintu marar kala duwan ka codsatay. Mark uu wargeyska Washington Post weydiiyey warka sheegaya in uu isagu ka shakisan yahay in la sumeeyeyna waxa uu ku jawaabay, in aanu isagu ahayn qofka ugu horreeyey ee ka shakiyey in xaaladdiisan caafimaad sababteedu tahay sun. La soco…