Dhakhtarnimaddu Waa Shaqo Iyo Farriin Lagudbinaayo! W/Q: Cabdicasiis Haaruun Maxamed (Haaruun Al-rashiid)

0
806

dDabbcan dhakhtarnimadu waa shaqo middeynaysa hawlo baddan oo sifooyin waddaaga taas oo qofku qabto kuna beddesho manfac lacageed, sidoo kalana ka kooban mas’uuliyaddo, doorar iyo fullin hawleedyo taaso oo lagu qeexikaro in ay tahay mid cadd, gaar ah, laga gun-gaadho, latirinkaro, lacabirikaro sidoo kalena labar-bardhigikaro kuwa kale. Haddaba inagoo kaduulayna micnaha shaqo sidoo kalena sharaxaynaha fariimaha dhanka wanaagsan iyo dhanka xunbaleh ee qofka muslimka ahi ugudbinaayo bulshada uu kadhex-shaqaynaayo muuqaal ahaan iyo mid ficileed ee la arkikaro. Inagoo ka imanayna shaqadu waxay tahay waxaan isdultaagi doonaa akhlaaqda , hab-dhaqanka fiican, mas’uuliyaadka iyo fariinta uu sido Dhakhtarka muslimka ah kana jawaab Celinaysa baahida iyo gargaarka uu u bahaan yahay qofka muslimka ah ee buka. Waxqabadka ugu horeeya ee dhakhtarka muslimka ahi kaga jawaabo baahida iyo gar-gaarka dhakhsaha ah ee uu ka rajeynayaa qofka bukaa waa Ducadda Nabigeena suubanaa  (NNKH) ugu ducayn jiray markuu soo booqda qofka buka oo udhacaysa sidan “ Allahii abuurow dhammaan kown-ka oodhan, dhibta ka dulqaad,  bogsii aduunba  bogsiinkaree, majirto cid bixisa caafimaad addiga mooyee” Haddaba waxaynu maqaalkan kusoo qaaddan doona anshaxa iyo akhlaaqiyaadka shaqo ee dhakhtarka muslimka ah looga baahan yahay inagoo isdul taagayna kalmadahan hoose

Akhlaaq: waa midayn iyo isugeyn koobsanaysa afkaar, halbeegyo iyo go’aan  kadhalanaysa dabeecada shakhsiga iyo tabulsheedba ee keensanaysa  in lakala garankaro maxaa xalaala amaba xaaraana, sax ah amaba khalad ah.

Akhlaaqda dabeecada wanaagsan:  waa dabeecada amaba doorasho sax ah ee koobsanaysa mabda’yada akhlaaqda wanaagsan

Akhlaaqda shaqeed: Waa afkaar koobsanaysa iskudarka waxyaabaha qofku aaminsanyahay haday noqoto go’aamo, afkaar iyo halbeegyo ee kadhalanaysa dabeecada qofka shaqaalaha ah kuna wajahan go’aan qaadasho iyo kala garashada waxa xalaasha ah iyo wixii xaaraan ah, saxa ah amaba qaldan

Haddaba markaynu  kanimaadno eray bixinaha kor kuxusan waxaynu iswaydiin doona maxay tahay aadaabta  kuhaboon kuna tusinaysa sifooyinka dhakhtarka muslimka ah

Dhaktarka muslimka ahi in uu shaqada uu qabanaayo ugu horeyn layimaado niyad iyo in uu illaahay kaga doono ajar iyo danbi dhaaf  kana rajeeyo illaahay agtiisa ajar weyn.

Dhakhtarka

 muslimka ahi in uu layimaado ilaalin, dhawritaan iyo in uu shaqada uu u hayo qofka buka uu ugu qabto sida ugu wanaagsan Rasuulkeenii Muxamedna (NNKH) uu inoo sheegay  “Illaahay wuxuu ugu jecelyahay qof iddinka mid ahi haddii  uu qabto  shaqo uu wanaajiyo una qabto sida ugu wanaagsan”.

In shaqada uu hayo uguto sida ay shaqadu doonayso ee aanu ka leexleexan

In dhakhtarka muslimka ahi layimaado intuu gudanaayo shaqada  qalbi wanaag marwalbana xusuusnaado in Allaah daalacanayo dhammaan hawlaha iyo shaqooyinka uu qabanayo hadday noqoto wax wanaagsan iyo wax khaldanba.

In  dhakhtarka  muslimka ahi uu kudadaalo waxbarashada lyo horumarinteeda.

Dhakhtarka wanaagsani wuxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo aykamid yihiin :- qof aan kibirbadneyn, run sheegis baddan, unaxariisasho qofka buka, cadaalad baddan, caawiya dadka, dadka lajecel wanaaga, xishood baddan, dulqaad, si wanaagsana uga soobaxo shaqada, ilaalinta waqtida iyo in uu wanaajiyo muuqaalkiisa.

In uu ixtiraamo ilaaliyana xuquuqda qofka buka

In uu dhaktarku fahmo masaa’iisha Diiniga ah ee laxidhiidha hawlaha caafimaadka ee takhasuskiisa.

In uu qofkasta siiyo xaqa uu kuleeyahay hadday noqoto qofka buka iyo qofkasta oo kadhinac shaqaynaya.

Ugu danbeyntii in uu fahmo muhiimada ay leedahay joogteynta hab-dhaqanka wanaagsan ee ay u baahantahay shaqadu Cabdilaahi ibnu cumar ayaa kasoo wariyey Nebiga (NNKH) “dadka waxaan ugu jeclahay qofka dadka anfaca ee waxtara, shaqo laqabta waxaanan kasii jeclahay qofka qof muslim ah farxad galiya, kadulqaada dhibaato saran, dayn kabixiyo, gaajo kareeba, ama raaco lanasoo dhameeyo shaqo wuxuuna kadhigan yahay qof kutukaday bil dhamaystiran masaajidka barakeysan ee madiina”Caasha ayaa iyana kasoo warisay  Nebiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ahaatee  inuu yidhi : “Udhibirsanaan in shaqada lagu daraa way qurxisaa haddii laga tagana way foolxumeysaa”.

Muhiimada ay leedahay in shaqo kasto lala yimaado daacad waxaa lagu helaa ajarweyn oo Allaah laga helaayo, daacad la’aanteed shaqodaasi masuurtoobayso waana lagu celiyaa qofka shaqada sameeyey, ajarna kama helaayo illaahay agtiisa, in allaah loogaaryeelo shaqo kastoo laqabanaayo ugaar yeeliduna waxay shardi utahay in allaah aqbalo shaqo kastoo laqabanaayo, ugu horeyn waa in dhaktarku u niyeeya qofka buka in allaah caafiyo, una fududeeyo hawsha qofka buka, faraxtigeliyana qofka buka sida uu Allaah inoogu sheegay Qur’aankiisa kariimka ah “Qofka; qof muslim ah nooleeya ama waxtara wuxuu kadhigan yahay sidii uu wax uu utaray dhammaan ummadda oodhan”. Sidaa awgeed dhamaystirka shaqada ee qofku hayaa waa cibaado kamid ah cibaadooyinka lagucaabudo looguna dhawaado Allaah (SWT) iyo in sidhaba looga Amar qaato dhammaan ficilkasta oo laqabanaayo.

W/Q: Cabdicasiis Haaruun Maxamed (Haaruun Al-rashiid); Tell: +252 63 4471605   (E-mail: harun3099@gmail.com)