Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey

0
520

1Sidoo kale warbixintan oo CIA ay gudaheeda uun ugu talogashay balse la helay waxa ay hoosta ka xariiqday dhowr tusaale, oo muujinaya saraakiil sare oo ka tirsan CIA, kana mid yahay Panetta oo madax ka ahaa CIA, in ay warar been ah siiyeen golaha Kongareeska iyo dadweynaha Maraykanka, gaar ahaan marka ay ka warramayeen xeeladda iyo hannaanka loo maray waraysiyada maxaabiista, markii la raadinayey dhambaal-sidayaasha Usaama Bin Laadin.

Qoraagu waxa uu maqaalkiisan dheer ku soo koobayaa, Obama maanta doorasho kuma jiro, sidii gu’gii 2011kii. Mawqifkiisa mabda’iga ah ee uu ugu hadlayo heshiiska nukliyeerka ee Iiraan uu la galay ayaa aana wax badan muujinaya, sidoo kale waxaa la mid ah go’aankiisa uu ugu badheedhay in aanu u joojin golaha Kongareeska ee uu xisbiga Jamhuurigu aqlabiyaddiisa leeyahay, isaga oo maray jid ah in uu si ka madax bannaan golaha u shaqeeyo oo aanu tixgelin siinin.

Si kastaba ha ahaato ee weli been-sheegiddii uu maamulka Maraykanku ka siman yahay illaa halka ugu sarraysa, ayaa weli ah jidka ay ku socoto siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku. Waxaa iyaguna weli shaqeeya xabsiyadii sirta ahaa ee dadka aanu garsoorku ogeyn lagu haysanayey, weerarradii sharci darrada ahaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayni qaadayeen, hawlgalladii habeennimo ee ciidamada gaarka ah, dacal marista nidaamka kala sarrayneed iyo kala damaynta, iyo sidoo kale in la jaro cid kasta oo ‘MAYA’ ka tidhaahda sida wax u socdaan.

Aargoosiga sirdoonka Baakistaan:

Ugu dambayntii waxa aynu qormadan ku soo xidhaynaa taxanahan maqaal wax badan oo aynu soo sheegnay ka markhaati kacaya xogo cusubna soo kordhiyey oo uu wargeyska Washington Post ka qoray saamaynta uu dilkii Usaama Bin Laadin ku yeeshay xidhiidhka amni ee dalka Maraykanku uu la’ lahaa Baakistaan, gaadhayna illaa heer Maraykanku uu xubnihiisa sirdoon kala baxo Baakistaan isaga oo dareensan in ay magacyadooda si hoose u bixiyeen sirdoonka Baakistaan sidaa awgeed ay halis u yihiin in la ugaadhsado.

Warbixintaas oo uu Geeska Afrika soo koobayo, waxa uu wargeysku ku yidhi, “Qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta Maraykanka ee imika iyo horeba ayaa xaqiijinaya in Mark Kelton oo ahaa madaxa CIA ee Baakistaan ku sugan ay sun qarsoodi ah siiyeen sirdoonka ISI, taas oo keentay in Kelton uu si daran u xanuunsado oo dhaqso loogala cararo dalka Baakistaan si loo soo daweeyo. Laakiin weli sirdoonka Maraykanku waa ay qariyaan xaqiiqada sababta xanuunkaas daran ee ku soo booday Kelton, in kasta oo uu isagu uu si dadan u xusay in uu aaminsan yahay in sirdoonka Baakistaan uu sumeeyey.

Mark Kelton oo imika hawlgab ahi waxa uu ahaa sarkaal sare oo waayo-arag ah, waxa aanu CIA xilal sare ka soo hayey muddo 34 sano ah oo uu arrimo sirdoon oo muhiim ah ka masuul noqday ama isagu fuliyey. Sannadkii 2015ka ayaanu hawlgab ka qaatay hawlaha sirdoon isaga oo markaas ahaa ku xigeenka agaasimaha Waaxda ka hortagga sirdoonka cadowga ee CIA.

Mar. Kelton shaqadiisa ugu xiisaha badan, isla markaana CIA ugu jeclayd waxa uu qabtay 16 sano oo uu hawlo sirdoon ka soo qabtay meelo ka baxsan dalka Maraykanka. Waxa uu ahaa masuulka koowaad ee CIA u xilsaarstay hawshii sannadaha badan qaadatay ee ahayd baacsashada iyo soo qabashada hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Usaama Bin Laadin, kaas oo ugu dambayntii uu Shan sano ka hor Maraykanku sheegay in uu ku dilay guri ku yaalla magaalada Abbottabad ee dalka Baakistaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in Kelton uu muddo si aad ah u bukay, laakiin aakhirkii ay xaaladdiisu ka soo raysay, kadib markii qalniin lagaga sameeyey caloosha.  La Soco…………