Askarigii Dilay Taliyihii SPU Ee Gobalka Saaxil Oo Ay Maxkamadi Dil Ku Xukuntay

0
529

Berbera(Geeska)-Maxakamadda Ciidanka qalabka sida ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiiglihii dilay khamisitii  talihii ciidanka Birmadka Berbera Marxuum Aadan Guuleed Tallaabo.

aaaaaaaaaaaaaaaaaa

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada darajada koowaad ayaa cadeeyay in gacanku Dhiiglihii dilka gaystay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Khayre ay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah, waxaanu sheegay in maanta la marinayo maxkamadda darajada labaad.

Geesta kale, dadweyne gadoodsan oo dalbanaya in askariga dilka gaystay sharciga la horgeeyo ayaa shalay dhagaxaan ku gooyay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.