Digniin Caafimaad: Waraaqaha Lagu Duubo Cuntada Fudud Iyo Kuwa Sida Weelka Loogu Ritaa Waxay Keenaan Kansar

0
646

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfutay in saddex meelood meel galka lagu duubo cuntooyinka degdeggga ahi ay leeyihiin maaddooyin kiimikaad oo ay ka mid yihiin polyethylene, Fluoro, alkyl oo sababata waraaqahan loogu sameeyaa ay tahay in ay ka ilaaliyaan googo’a, qoyaanka iyo in aanay isku dhegin. Laakiin ay shaybaadhada cilmigu caddaynayaan in ay maaddooyinkani sababi karaan noocyo ka mid ah kansarka, khalkhal dhinaca hormoonnada ah, Kalastaroolka oo kor u kaca, buurni iyo hab-dhiska difaaca oo aad hoos ugu dhaca.

Cilmibaadhe Laurel Cheddar oo ka tirsan maxadka Silent Spring ee gobalka Massachusetts isla markaana hoggaaminayey xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey ayaa ayaa mar uu ka hadlay natiijadan ay gaadheen waxa uu sheegay in ay ogaadeen in kala badh waraaqaha lagu duubo Sanwiijka, Beergarrada iyo cuntooyinka fudud, iyo sidoo kale caagga lagu shubo macaanka, ama kulaylka la socda qofka rabaa ku darsado, ay samayskooda ku jiraan maaddooyi kiimikaad, “Waxa kale oo aanu ogaannay in boqolkiiba 20 waraaqahaas kala duwan oo kuwa sida weelka loo isticmaalo, sida kuwa baradhada shiilan (Jibis) iyo cuntooyinka shiilan lagu ridaa ay ku jiraan maaddooyinkan kiimikada ah ee sababa Kansarka” ayaa uu yidhi, Laurel Cheddar.

Maaddooyinka aynu kor ku soo xusnay waa maaddooyin la farsameeyo oo aan dabiici ahayn, muddo dheerna waxaa loo soo isticmaalayey samaynta waraaqaha noocyo ka mid ah, sida kuwa weelka lagadhigo ama wax lagu duubto, dharka noocyo ka mid ah, weelka cuntada lagu karsado ee loo diidayo in ay cuntadu ku dhegto, iyo maaddooyinka dab-damiska, isticmaalkaas badan ayaana fududaynaya in ay biyaha, hawada ama cuntada la falgasho, kadibna qofka sidaas ku gaadho.