Madaxweynaha Iyo Weftigiisii Oo La Filayo Inay Maanta Soo Laabtaan

0
678

siilanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo noqdo dalka, ka dib markii uu muddo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inuu ka soo dego madaarka Berbera, waxaanu halkaas ugu warami doonaa saxaafadda, laakiin lama oga inuu ogolaan doono in su’aalo la weydiiyo iyo in kale. Safarka Madaxweynaha oo ay ku weheliyaan guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka iyo guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah iyo xubno wasiiro ahi, waxa ka soo baxay doodo badan oo kala duwan oo la xidhiidha heshiiska uu la galay Madaxweyne Shariif iyo duluciidiisa. Waxase ay dad badani u arkaan inuu guul ka soo hooyay kulankii uu la yeeshay Dr. Saleban Ciise Xaglatoosiye oo ahaa hogaamiyaha kooxda SSC, kaas oo uu la yeeshay kulan wax badan bedelay.

Si kastaba ha ahaate waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa laga sugayaa inay ka jawaabaan su’aalo badan oo safarkooda la xidhiidha.