Dibad-Baxayaal Taageeraya Saxafi Loo Xidhay Wasiir Uu Kab Ku Tuuray Oo Cadhadooda Ku Muujiyey Kabo Ay Luleen

0
482

1Nuwaakshot (Geeska)- Tobannaan ka mid ah dhalinyarada ururka lagu magacaabo ‘Dhaqdhaqaaqa 25 Feebarweri’ oo ka dhisan dalka Muritaaniya ayaa dibad-bax la hor-istaagay xabsiga madaniga ah ee caasimadda Nuwaakshot ee dalka Muritaaniya, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan saxafi isla markaana u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada oo lagu magacaabo Baaye Sheekh Muxammed, kaas oo dhowr maalmood ka hor xabsiga loo taxaabay kadib markii uu wasiirka dhaqanka ee dalkaas ku tuuray kabihiisa.

Mudaharaadkan oo qabsoomay maalintii ciidda sii culays xukuumadda loogu saaro in ay xabsiga ka sii deyso ninkan oo laga reebay maxaabiis kale oo fadliga ciidda lagu cafiyey, ayaa tiro ka md ah dadka xorriyadaha u dhaqdhaqaaqa, qoraayo iyo dad qadiyadda ninkan taageersani ay dhammaantood dibad baxan ka sheegay in ay sii wadi doonaan isla markaana kordhin doonaan xooggiisa illaa laga sii deynayo saxafigan Baaye Sheekh Muxammed.

Dibad baxayaasha ayaa si ay u xoojiyaan dooddooda ah in ay sharci tahay cabashadaas uu Baaye ku muujiyey kabaha uu ku tuuray wasiirka dhaqanka ee dalkaas oo isla markaasna ah afhayeenka xukuumadda Muxammed Al-Amiin Walad Sheekh, waxa ay iyaguna bixiyeen kabahooda oo ay kor u taageen.

Horraantii bishan Julaay ayaa booliiska dalka Muritaaniya ay xabsiga dhigeen saxafigan Sheekh Baaye, Shan maalmood markii ay xabsi ku hayeenna waxa ay u gudbiyeen xeer-ilaalinta si ay ugu soo oogto dacwad la xidhiidha kabaha uu ku tuuray wasiirka dhaqanka ee afka xukuumaddana ku hadla, xilli uu shir saxaafadeed waday. Waxa aanay dacwaddaasi ku dhammaatay in maxkamaddu ay saxafigan 30 jirka ah khamiistii ina dhaaftay ku ridday xukun ciqaabeed ah Saddex sano oo xabsi ah.

Laakiin ururkan dhaqdhaqaaqa 25ka Feebarweri oo ah dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo siyaasi ah muddooyinkan dambana soo xoogaysanaya ayaa isagu sheegay in falkaas wasiirka ku dhacay uu ahaa mid ay iyagu masuul ka yihiin maadaama oo uu saxafigani ka tirsanaa.