Dhisme Laga Dhex Bilaabay Gudaha Xayndaabka Madaarka Cigaal Ee Hargeysa

0
632

Hargeysa(Geeska)-Badhtamaha madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa ayaa laga dhex bilaabay dhisme cusub oo hadda seeskiisu bilowyahay.

Dhismahan cusub oo ku yaala gudaha xayndaabka loo sameeyay madaarka Hargeysa ayaanay wasaaradda duulista iyo hawadu wax war ah ka soo saarin cidda dhisanaysa iyo sababta loo dhisayaba, waxase la sheegay in dhismahani yahay mid ay leeyihiin niman ganacsato ahi, waxaana la sheegayaa inuu yahay hotel isugu jira hurdo iyo cunto. Dhismaha ayaa laga bilaabay duleedka Koonfur-bari ee kadinka laga galo madaarka Cigaal, waxaanu ku dhex yeelaa xayndaabka oo laga sameeyay goobihii hore looga raray dad shacab ah oo muddo dheer halkaas degenaa kuwaas oo dhulka looga raray inuu noqonayo dhul uu leeyahay madaarka Cigaal, iyadoo dadka qaarkood aan ilaa hadda loo celin lacag wakhtigaas loogu balan qaaday in xukuumadu u celinayso.

Dhismahan gaarka ah ee laga dhex bilaabay gudaha madaarka ayaa waxa su’aalo badan iska weydiiyay qof kasta oo ay indhihiisu ku dhacaan marka uu galayo madaarka Cigaal, waxaana muuqata in dhulkii madaarka Cigaal ee dadka shacabka ah laga raray uu hadda u gacan geli karo ganacsato gaar ah.

Dhismahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu dhawaan wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Cali Xasan Maxamed (Mareexaa) uu sheegay inuu ka walaacsanyahay mustaqbalka garoonka diyaaradaha ee Cigaal, isagoo sheegay in dadka bulshada hormuudka ka ahi ay ku taamayaan in dhul laga siiyo madaarka. Wasiirka oo ka hadlayay xaflad loo qabtay mid ka mid ah shirkadaah diyaaradaha wuxuu yidhi  “Waxaan sheegayaa, dhiilo, madaarka Hargeysa ku saabsan, sababtuna waxa weeye waxaan ahay wasiirkii hawlaha guud oo waxa I hoos yimaada dhulka, eeriboodhka Hargeysa waxa laga yaabaa toban sanno ka dib inuu u baahdo dhabo labaad, wuxuu u baahanayaa dhul badan, Hargeysa oo dhami dhulkii madaarka ayay doonaysaa siday u dhantahay, xafiiskayga suldaan, oday, siyaasi madax, xisbi wada fayl ayay sitaan, afka wanaagsan ee la leeyahay eeriboodh caalami ah ayaynu noqonaynaa iyo sida eeriboodhka magaaladii oo dhami u doonaysaa waa kala jaad ee Hargeysaay ama eeriboodhka qaybsada oo baloodh baloodh u soo doonta ama eeriboodhkaas lagu naaloonayo ee la leeyahay shan sanno ka dib toban sanno ka dib wuxuu noqonayaa caalami diyaaradaha adduunka oo dhami isugu yimaadaan kaas aan ku wada noolaano oo ku wada mitidno, halkaas waxaanu isku horfadhinaa Hargeysa oo eeriboodhkii doonaysa ana halkaas ayaan saxeex la fadhiyaa oo waxaan leeyahay waar I dhaafi mayso, markaas Hargeysaay war I ikeena anigu halkaas ayaan idinku sugayaaye.”

Wasiirka hawlaha guud laftiisa oo mudadii uu xilka wasaaradan hayay la sheego in la bixiyay dhul badan oo dawladeed ayaan sii faahfaahin hadalkan uu yidhi inuu la xidhiidho dhismahan iyo in kale, waxase uu hadalkiisa la kowsaday bilowga dhismahan.

Si kastaba ha ahaate, dhismahani wuxuu noqonayaa kii u horeeyay ee ay dad shacab ahi leeyihiin ee laga dhex binaysto madaarkii Hargeysa, waxaananan la socon doonaa oo cadadyada dambe soo raaci doona in si rasmi ah loo soo helo cidda la siiyay dhulkan madaarka gudihiisa ku yaala.