Siyaasiga Abiib-timacad Oo La Filayo Inuu Ku Biiro Xisbiga Waddani

0
639

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo wasiir ka soo noqday xukuumadihii Cabdiraxmaan-Tuur, Cigaal Rayaale iyo Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu ku biiro xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Abiib-timacad oo ah siyaasi miisaan leh, ayaa hore uga tirsanaa xisbiga KULMIYE oo uu ka qayb galay shirkiisii u dambeeyay ee lagu doortay murashixiinta madaxtinimada ee KULMIYE, waxase la filayaa sida ay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u sheegeen inuu dhawaan ku biiro xisbiga Waddani oo ay muddooyinkii u dambeeyay wada hadalo u socdeen. Murashaxa madaxweynenimo ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay siyaasi Abiib-timacad kala qayb galay xaflad meher oo gabadh loogu doonay wiil uu dhalay Abiib Timacad, waxaana xafladaas laga dheehanayay geediga siyaasadeed ee Abiib-timacad, maadaama oo ay xafladda meherkaas soo camireen siyaasiyiinta mucaaradka ahi.

Xisbiga Waddani ayaa iyaguna u muuqda inay si weyn u soo dhawaynayaan siyaasigan oo miisaan siyaasadeed ku leh gobalka saamaynta siyaasadeed leh ee Gabiley.