“Xukuumadi, Dalka Kama Talisee, Kooxahan Taladii Dalka Boobay, Xukunkii Way Ku Takrifalayaan”Xuseen Axmed Caydiid

0
663

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga caanka ah Xuseen Axmed Caydiid,ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu Dastuurkii iyo Sharcigii dalka ay jabiso, siday doontana ka yeesho, waxaanu si gaar ah uga hadlay amarka ay ku joojisay Shirarka aan caadiga ahayn ee ay Goleyaasha Deegaanka, xilli Xildhibaano Golaha Deegaanka Gabiley ay diyaariyeen mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarkooda.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Cadaalada iyo Hawlaha Guud Xuseen Axmed Caydiid oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay talada dalka gacanta ku dhigeen cid ama kooxo aan loo dooran, oo siday doonaan ay ka yeelayaan xukunkii iyo taladii dalka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay amarka ay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku joojisay shirarka aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deegaanka“Arinkani waa arin sharci jabin ah, Dastuurka ayaa nidaam iyo qaab u jeexay ay Golayaasha Deegaanku u dooranayaan Maayarka iyo Maayar ku xigeenka, qaabka ay u bedelayaana Dastuurka ayaa jideeyey,  ee Golayaasha Deegaanku intay nidaamkan ku toosan yihiin in wax lala qabto weeye, laakiin in laga hor yimaado oo Dastuurkii loo jabiyo oo la yidhaahdo shirarba ma qabsan kartaan maaha, waana sharci daro”.

Xuseen Axmed Caydiid mar uu ka hadlaayey in cid gaar ah ay ku takri fasho taladda dalka, oo nidaamkii dawladnimo meesha ka baxay ayaa yidhi “Xukuumaddi dalka kama talise, ee kooxahan taladii dalka boobay, xukunkii wey ku takri-falayaan, sharciyadii dalkana way ka xuub siibteen, oo siday doonaan ayey ka yeelayaan,faragelinta Golayaasha Deegaankuna, waa sharci jabintii lagu yaqaanay”.