Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Napeleon: Halyeeygii Dagaalka Ee Caashaqa Ku Hungoobay

0
875

Waa run in Napoleon uu Josephine jawaab uga waayey jacaylkii aadka u darnaa ee hayey, laakiin waa uu gaadhay ujeedadii u lammaanaynaysay ee ahayd in uu kursiga ka agdhowaado, kor u kaca uu bilaabay maalitii uu iyada guursaday ayaanu ku gaadhay in aakhirkii loo magacaabo Imbaraadoorka Faransiiska. Waxa ay taariikhda qaar sheegaysaa in aanu Napoleon go’aamada waaweyn ee masiirka Yurub la xidhiidha gaadhi jirin haddii aanu Josephine la tashan, waxa aanay marag ka dhigtaan hoos u dhaca sida muuqata ugu bilowday maalintii uu furay, laga bilaabo illaa uu halkii ugu hoosaysay gaadhay oo xukunkii uu waayey.

Hoggaamiyeyaashii Yurub ee uu midba meel ka tuuray ayaa ku heshiiyey in ay u midoobaan ridistiisa, dagaallo isbahaysi ah ayaa jiho kasta kaga yimid, jab kasta jab kale ayaa uga dambaynayey, khiyaano kastaana mid ka sii daran ayaa ay u dhiibaysay. Xaaskiisii cusbaa markii ay aragtay sida xaal u socdo waa ay xammili weyday oo wiilkii curad ee ay u dhashay ee uu islahaa xukunka ha kaa dhaxlo ayaa ay ula baxsatay dalkeedii Austria.

Markii Josephine ay la sakaraadaysay xanuunkii ay u dhimatay, xukunkii Napoleon isna waa sakaraadayey, markii uu saxeeyey warqaddii uu kaga tanaasulay carshiga Imbaraadooriyaddana maalmo yar kadib ayaa ay dhimatay Josephine.

Jacaylka uu Napoleon u qaaday haweenaydan Josephine iyo sidoo kale xidhiidhadiisa dhinaca haweenka oo qormadan oo kooban awgeed aynu wax yar ka xusnay, tan iyo dhimashadiisii oo ahayd 1821kii waxaa laga qoray in ka badan 50 buug oo ka soo baxay dalalka hore Imbaraadooriyaddiisa uga tirsanaa iyo kuwo kalaba, iyada oo lagu qoray tobannaan a foo uu ka mid yahay Ingiriisiga, Faransiiska, Carabiga iyo xitaa afka Shiinaha.

Ugu dambayntii qormadannan aynu ku soo xidhno dhowr hal-ku-dheg oo taariikhdu xustay in laga reebay Napoleon, kuwaas oo maanta noqday kuwo dunida oo dhan laga isticmaalo, waxaana ka mid ah:

– Nin kasta oo meelsare gaadha, gabadh meel-sare gaadhay ayaa ka dambaysa.

– Dagaalka marka ay noqoto waa aan aqaannaa waxa aan falayo, laakiin jacaylka waxba kama aqaan.

– Haddii inta aan dagaalka u gacan baxay in le’eg jacaylka u gacan bixi lahaa.. adduunyada kuma ay hadheen gabadh ninkeeda goshiisa ku jirta.

Waxaa jirta qiso lagu xusay diiwaanka hadallada Faylasuufyada iyo dadkii xikmadda lahaa waxa ay ka yidhaahdeen dumarka. Waxa ay qisadaasi sheegaysaa in gabadh qurux badani ay Napoleon u dhoola caddaysay oo damac tustay, iyada oo laabteeda ku soo qarsatay baastoolad ay doonaysay in ay ku disho, kadib waa uu ku qabtay waxa aanu ku yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa, “Waxa aad doonaysay in aad disho Imbaraadoorka, markaasaad hubkaagii ku qarisay meeshii aan kuugu jeclaa… sidaa awgeed waan ku cafiyey inan yahay quruxda badani” Dhammaad.