“Nusqaantaas Ciddii Keentay Maanta Way Is Gawracday, Saaxadana Way Ka Baxaysaa Cid Kasta Oo Arrintaas Ka Soo Shaqaysay”

0
556

hhhhHargeysa(Geeska)-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, ayaa markii u horaysay madal loo dhanyahay kaga hadlay kulankii la qabtay Axadii ee lagu sheegay in xilkii lagaga qaadya islamarkaana lagu caleemo saaray Suldaan kale oo ay ilmaadeer yihiin.

Suldaan Xasan, oo shalay hadal ka jeediyay madal balaadhan oo ay cuqaal, aqoonyahan, siyaasiyiin, abwaano iyo dhallinyaro dhawr kun oo ruux gaadhaysa oo ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal ku cadeeyeen sida ay u taageersanyihiin Suldaan Xasan ugana soo horjeedaan shirkii Axadii lagu qabtay Hargeysa, wuxuu ku sheegay in ciddii arrintaas ka soo shaqaysay ay saaxadda ka baxayso, isagoon cid gaar ah magacaabin, “Dad iyo duunyaba Alle ha idin barakeeyo sidaad maanta arrintaas ugu hiiliseen. Nusqaantaas ciddii keentay maanta way is gawracday, saaxadana way ka baxaysaa cid kasta oo arrintaas ka soo shaqaysay.” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku, waxa kale oo uu Alle ka baryay inuu umadiisa u shubo raxmadiisa oo uu  u naxariisto, isagoo sidoo kale umadda reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan.