Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Napeleon: Halyeeygii Dagaalka Ee Caashaqa Ku Hungoobay

0
730

Paris (Geeska)- In kasta oo uu dagaallada ku ahaaa Geesi xeeladihiisa dagaal aan la jebin, haddana qalbiga Napoleon waxaa la’ eedaaday murugada ku fogaatay ee uu ka qaaday caashaqa haweenayda uu adduun ka calmaday ee ku calool adaygtay in aanay ka jawaabin dhambaalladiisa jacaylka ah.

Khiyaamadii:

Waxaa jirtay sabab kale oo kallifaysay in Napoleon uu waraaqahan badan u soo qoro Josephine balse aanu doonayn in uu sheego. Waxa uu ogaaday in haweenaydan uu jeclaaday ay xidhiidh jacayl oo xaaraan ah la leedahay sarkaal darajadiisu kabtan aahay oo lagu magacaabi jiray Hibloeit Charless. Si qarsoodi ah ayaa ay Josephine u wadday xidhiidhka jacayl ee ka dhexeeya kabtankan da’da yar iyada oo si cadna ula socoto Imbaraadoorkii Sayidka reer Yurub lagu tilmaami jiray ee ay guursatay, laakiin war xumi dugsi ma fadhiiste ee warkeedu waa uu gaadhay Imbaraadoorka oo weli ku maqan furimaha dagaalka, markii uu warkaa ogaadayna waxa uu u soo qoray warqad ereyadii uu ku yidhi ay ka mid ahaayeen, “Farxad ayaa ruuxdayda buuxisay, laakiin imika murugo ayaa beddeshay, qalbi dhagaxeey abidkaana cid ma’ aad jeclaan, waxaa i soo gaadhaya in aad go’aankaagii qaadatay, waxa aana ii caddaaday jidka aad mari doonto haddii aan kaa tago, si kastaba ha ahaato ee badhaadhe iyo farxad ayuun baa aan kuu rajaynayaa, xitaa haddii jidka aad farxaddaas iyo badhaadhahaas ku gaadhaysaa uu keenayo in aad daacad ii noqon weydo, ku odhan maayo khiyaamo ee”

Josephine warkaasi uma uu dhaadhacsanayn, waxa aanay sii wadday mashquulkii ay ku ahady xafladaha kala duwan ee Paris iyo nolosha tumashada ah. Napoleon marar badan ayaa uu isku dayey in uu Josephine ku qanciyo in ay ugu timaaddo halka uu joogo, gaar ahaan markii uu watay ciidamadii Talyaaniga joogay, laakiin kama ay ogolaan. Josephine waxa ay ahayd gabadh aad u kharash badan oo jecel in ay nolosheeda ku qurxiso qalabka guri iyo labbiska hadba ugu qaalisan ee jira, waxa aanay abaabuli jirtay xaflado la isku arko oo dhaqaale badani ku baxo, laakiin Napoleon dhiig baxaa kharash ee ku socday iyo khiyaamada uu ku ogaa xaaskiisa waa uu ka indho qarsanayey, taas macnaheedu ma’aha in uu warwar la’aa oo taariikhda waxaa ku xusan munaasabado badan oo uu qarsan kari waayey murugada iyo dhibta ay arrintaasi ku hayso. Gaar ahaan mar uu Masar joogay oo uu walaalkii Joseph u sheegay in gabadhiisa uu jecel yahay ee Josephine ay jeceshay xidhiidh jacayl oo adagna la leedahay nin dhalinyaro ah.

Waxaa la sheegaa arrintaas iyo Josephine oo ubad u dhali weyday Napoleon ay aakhirkii qudhiisa ku beertay in uu isna dhankiisa khiyaamo ku kaco, dumar aad u tiro badanna marar kala duwan siyaabo kala duwan xidhiidh ula samaystay.

Napoleon oo jacayl badan u qabay Josephine isla markaana ka dhigtay sallaan uu uga faa’idaystay in uu ku soo dhexgalo dabaqadda hoggaaminta, markii uu muddo 14 sano ah ku calool adaygayey in uu qabo xaaskiisa khiyaamada taqaannay, aakhirkii waxa uu qaatay go’aankiisii ahaa in ay kala tagaan. Arrintan oo dhacay markii Napoleon uu isku qanciyey in maadaama oo aanay Josephine ubad u dhalin ay lagama maarman tahay in raadsado afo u dhasha ugu yaraan wiil xilka Imbaraadooriyadda ka dhaxla, sidaa awgeed mar haddii sharcigii u diiddan yahay xaas kale oo rasmi ah, waxa uu raadsaday afo kale. Weliba dadka tariikhdu waxa ay xusayaan in markan uu Napoleon uu furayey Josephine ay ahayd mar ay gabowday oo ay joojisay ficilladii khiyaamada ahaa, maalintii uu u sheegay go’aankiisa furitaankana aad ayaa ay u oyday, laakiin dan kama uu gelin. Napoleon waxa uu doortay Mari Luis oo uu dhalay Imbaraadoorkii ka talin jiray Austria. Maalintii u horreysay ee uu Napoleon gabadhan arkay inta uu aad uga helay ayaa uu yidhi, “Waa kaas riximka (Makaanka) aan doonayo in aan guursado” isaga oo si dadban u qiraya in sababta uu u guursanayaa ay tahay ubad. La soco…