Xarunta CPA Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Abaaraha Dalka Ka Jira

0
511

Hargeysa(Geeska)-Xarunta daraasaadka iyo falanqaynta siyaasadda ee Center for policy analaysis (CPA), ayaa war-murtiyeed ka soo saartay xaaladda abaareed ee ka taagan Somaliland, taas oo noqotay mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee dalka soo mara.

CPA-logo

Warsaxaafadeed ay CPA soo saartay, oo ay baaqyo culus ku dirtay, ayaa u dhignaa sidan “Somaliland, waxa sannadkan ku habsatay mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee abid soo mara, iyadoo ay xaaladu gaadhay in markhaati laga noqdo dad gaajo iyo haraad u dhintay, halka xoolaha dhintay aanay tiro lahayn.

Sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Umadda reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka inay gacan siiyaan dadka abaaruhu saameeyeen. Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ahi markay u kuurgashay xaaladaha abaareed ee jira iyo sida ay sannad walba u soo noqnoqdeen, isla markaana aan aragnay dadkii miyiga oo abaarahaasi ay caydh ka dhigeen, taasina ay ku kelliftay inay magaalooyinka soo galaan, iyaga oo noqonaya Barakacayaal aad ugu dhibaataysan magaalada, waxaan soo jeedinaynaa.
1. In Guddida Gurmadka Abaaraha loo bedelo, Qorshaha Samatabixinta Abaaraha, taas oo shaqadooda laga dhigo inay ka fekeraan qorshe durugsan oo ku aaddan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa, gaar ahaan in la hirgeliyo biyo qabatino waaweyn, Ceelal biyood, iwm. Taas oo guddidan shaqadoodu ay socoto ee aanay ku ekaan xilli kooban.
2. In Qorshaha Samata-bixinta Abaaraha Somaliland ay qayb ka noqdaan Guddida Abaaraha ee xilligan, Wasaaraha ku shaqada leh iyo Hay’adaha Samafalka si mashruucani u noqdo mid wax tar weyn dhaliya.
3. In Xukuumaddu ay la timaaddo siyaasaddii lagu hirgelinayey qorshaha samata-bixinta abaaraha, isla markaana awood buuxda ay siiso guddida samatabixinta abaaraha si ay si degdeg ah u hirgeliyaan qorshahooda.
4. Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay gacan siiyaan guddida Abaaraha ee xilligan iyo Qorshaha samata-bixinta abaaraha.”