Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (9): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen –“Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
613

1Hargeysa (Geeska)- Lampsos oo ka warramaysa kulankaas koowaad ee iyada iyo Saddaam waxa ay sheegtay in uu aad uga helay hadal caddaanteeda iyo isku kalsoonaanta uu ka dareemay, maadaama oo uu ahaa nin aad looga baqo oo aanay cidi erey ku celin. “Inta uu gacanta I qabtay ayaa uu qolka ila dhex wareegay si uu ila hadlo” ayaa ay tidhi. Laakiin Saddaam intaas kuma joogsan ee markii ay Lampsos is fahmeen ba isaga oo isla goobtii jooga ayaa inta uu soo qabsaday uu hab siiyey oo uu xoog laabtiisa ugu qabtay isaga oo ku leh, “Labadaada indhood sida sixirka ayaa ay qalbiga u beddelayaan” kadib waa uu fadhiistay iyadana dhinaciisa ayaa uu fadhiisiyey.

Cuntooyinka dhaqanka ah ee dalka Ciraaq aadka looga isticmaalo dadka la sharfayana lagu casuumo waxaa ka mid ah kalluun inta uur ku jirta laga nadiifiyo kadibna inta milix iyo xawaashyo kala duwan la mariyo la dubo isaga oo isku wada xidhan. Waxa aanay si gaar ah u jecel yihiin nooc kalluunka ka mid ah oo laga soo saaro webiga Dijla. Nooc kalluunkaas ka mid ah oo Ciraaqiyiintu Shubuud u taqaanno Afingiriisigana Carp lagu yidhaahdo ayaa waxaa madaxa hoostiisa kaga yaalla waslad yar oo caado ahaan ay Ciraaqyiintu u yaqaannaan in ay ka macaantay cadka kale ee kalluunka, sidaa awgeed haddii qof wasladdaas la siiyo macnaheedu waa ixtiraam iyo weynayn. Lampsos waxa ay sheegtay in Saddaam Xuseen uu wasladdaas ka soo qaaday miiskii casuumaddu saarnayd kadibna dadkii oo u wada jeeda uu ku yidhi, “Afka fur!” oo uu afka u geliyey. Waxa aanay ku tilmaamtay in ay taasi ahayd ishaaro uu dadka oo dhan ugu sheegayo in aan noqonayo gabadhiisii abid aanay kala tegeyn.

Si kastaba ha ahaato ee Lampsos waxa ay ku doodaysaa in Saddaam aanu doonayn guur ee ay ka ahayd uun xidhiidh qarsoodi ah, sababta iyada oo sheegaysana waxa ay buuggeeda ku leedahay, “Saddaam Xuseen waxa uu ahaa ninka ugu awoodda badan dalka Ciraaq (Markaas weli madaxweyne ma’ uu noqon” laakiin haddana ma’ uu doonayn in uu guursado gabadh aan muslimad ahayn. Arrinta labaad ee carqaladda noqonaysayna waxa ay ahayd qoyskayga oo aan ogaa in aanay qudhoodu aqbali doonin guurkaas. Waxaa soo raacda isaga oo ahaa nin xaas hore leh, aniguna diyaar uma aan ahayn in aan minyaro noqdo”

Arrinta yaabka leh ee ay Lampsos sheegtay waa sida badheedhka ah ee uu Saddaam Xuseen ugu sheegi jiray in uu doonayo isaga oo aan qabin haddana in ay isaga u keli ahaato, haddii kale uu ciqaabi doono, waxa aanay buuggeeda ku tidhi, “Saddaam Xuseen waxa uu igu odhan jiray: Aniga ayaa aad weligaa gaar ii ahaanaysaa… xidhiidhkeenna oo go’ana macsnihiisu waa in aan ku dili doono” Laakiin taasi dhib kuma ay haynin gabadhan oo sida qoraalkeeda iyo waraysiyada ay bixisay ka muuqata iyadu diyaar u ahayd caashaqa Saddaam Xuseen. “Sidaas ayaa aan Saddaam Xuseen ku jeclaa. Sida fardaha yaryar loo koolkooliyo ayaa uu ii koolkoolin jiray. Waxa uu igu beeray shucuur ah in aan mar kasta dareemo in uu noloshayda qayb ka yahay. Illaa aan gaadhay heer waxa keliya ee aan daneeyaa uu yahay jacaylka Saddaam Xuseen” Lampsos waxa ay sheegtay in Saddaam Xuseen uu ku dadaalay in uu dareensiiyo in ay xor tahay oo ay hawlaheeda iyo nolosheeda u madax bannaantay balse haddana ay niyadda ku hayso in aanay khiyaamayn Karin, isaga oo ku celcelin jiray, “Meel kasta oo aad joogto waan kula joogaa oo marnaba kaama war li’i, ee ogow in aan wax kasta oo kugu saabsan ogahay oo arkayo” Laakiin sida ay sheegayso ereyadiisaa uma ay qaadan jirin xumaan iyo qallafsanaan ee astaan jacayl ayaaba ay u fahmi jirtay iyada oo ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Inan yar oo jacayl helay ayaa aan ahaa. Hadalladiisaas waxa aan u arkayeyba in ay yihiin jacaylka xad dhaafka ah ee uu ii qabo oo uu qiranayo. Illaa imikana waa aan ku faraxsanahay, in aan gashaantinimadaydii ku waayey kalgacalkaas xiisaha badan ee aan Saddaam Xuseen la wadaaga. Waxase aan illaa imika iskula yaabaa, sida aan dareenkaas xiisaha iyo macaanka badan uga helay ninkan caanka ku ahaa qallafsanaanta”