Marxuum Casayr Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Berbera

0
538

Berbera(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay Aas qaran loogu sameeyay magaalada Berbera Gaashaanle Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr taliyihii ciidanka Booliska gobolka Saaxil.

Aaska taliyaha  ayaa waxa ka soo qayb-galay madaxweyne kuxigeenka Somaliland,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadkii Aaska ka soo qayb-galay ayaa tacsi u diray Eheladii, ciidanka Booliska  iyo guud ahaanba shacabka uu ka baxay Marxuumku.

Alle ha u naxariistee gaashaanle Casayr ayaa dablay hubaysani maalintii Arbacadii ku dilay duleedka magaalada Berbera.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay 8 ka mid ah dablaydii falkaasi gaysatay islamarkaana caddaalada la horkeeni doono.

1;