Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: 2 Boqoradood, Caashaqii Fannaaniita Iyo Qasriga Tumashada

0
1002

Naasili oo waayoarag ku ah xeeladaha khiyaamadu durbadiiba waa ay fahantay ceebaha saygeedan cusub, laakiin maanta maadaama oo aanu isagu mansabii Axmed Fu’aad ee boqornimada joogin iyadu sidii hore waa ay ka miciyo fiiqnayd. Waxa aana ay biloway in gabadha ay ka hinaasto ee qasriga ama haayadaha kale ee dawladda ka shaqaysaba ay erido, qaarkoodna dalkaba ka mustaafuriso sida fannaanaddii weynayd ee Asmahaan oo uu odaygeedu xidhiidh jacayl la’ lahaa.

Asmahaan oo caan ka ahayd dalka Masar, isuna malaynaysay in jacaylka ay la leedahay wasiirku badbaadin doono ayaa bilowgii Naasili ugu faantay in ay iyaduba sideeda oo kale Amiirad ka tahay qasriga, laakiin warkaasi ma socon oo Naasili waxa ay wasiirkii iyo wiilkeeda boqorka ahaa ku qasabtay in dalka laga eryo Asmahaan. Aakhirkii Asmahaan waxa ay ku dhimatay shil gaadhi, darawalkiina waa uu baxsaday oo dib looma arag. Waxaana jira shaki badan oo ah in dilkeedu ahaa mid la qorsheeyey oo Naasili ka dambaysay. Asmahaan warku kuma dhammaan ee Naasili mar kale waxa ay ogaatay in saygeedu uu xidhiidh qarsoodi ah la leeyahay Fannaanaddii reer Masar ee Miimi Shakiib, si dhaqso ah ayaana ay uga eriay xitaa kooxdii fannaaniinta ahayd ee ay ka tirsanayd, maadaama oo fannaaniintu hoos imanayeen dawladda.

Naasili odaygeedii wasiirka ahaa qudhiisu waxa uu markii dambe ku dhintay shil kadib markii uu la dhacay gaadhi uu ku waday darawal sakhraansani oo ka tirsan gumaystihii Ingiriisku. Dhimashadii odaygeeda labaad kadibna Naasili mar kale ayaa ay caadooyinkeedii hore la soo noqotay, illaa uu xaalku gaadhay in xidhiidhka iyada iyo wiilkeeda boqorka ahi aad u xumaaday, taas oo ku kalliftay in Naasili ay dalka Masar dibadda uga baxdo iyada oo ku marmarsoonaysa xaalad caafimaad laakiin la sheego in ay doonaysay xorriyad ay dhaqan xumadeeda ku sii wadato.

Fadeexaddii Naasili iyo inanteeda boqorka la dhalatay:

Warbaahinta Maraykanka iyo reer galbeedka ayaa sii weyn u faafiyey sawirka Naasili oo u ban-baxday dhaqan xummadii xilli ay da’ joogtay iyo inanteeda amiirad Fatxiya, oo iyaduna jidka hooyadeed martay. Waxaa soo shaac baxay in Fatxiya ay qaadday ilmo ku yimid xidhiidh sharci darro oo ay la yeelatay Riyaad Qaali oo Qunsul ahaa, kadib, Naasili oo ka cabsi qabtay fadeexaddan saxaafaddu qortay ayaa isku dayday in ay inanteeda u guuriso qunsulka laakiin inankeedii boqorka Masar Suldaan Faaruuq ayaa arrintaas diiday isaga oo ku sababeeyey in Qunsulku aanu muslim ahayn, dadaal dheer kadib Naasili wiilkeeda uma ay joojin ee inantii iyo Qunsulkii oo Yurub wada joogay waa ay isu guurisay, Boqorkuna waxa uu kaga jawaabay digreeto uu maamuuskii iyo xurfadmii boqortooyada iyo mansabkii amiirnimo iyo xitaa maalkoodii kaga xayuubinayo hooyadii iyo inantooda isla bayno baxay.

Aakhirkiina Fadxiya iyo Qunsulkii ay guursatay khilaaf baa soo dhex galay, shan xabbadood ayaa aanu Madaxa kaga dhuftay Fadxiya oo isla markiiba dhimatay, isaguna waxa uu isku dayey in uu is dilo laakiin waa uu ka badbaaday xabbad madaxa uu iskaga dhuftay oo indho tirtay, isaga oo naafo ah ayaanu xabsi ku qaatay 15 sano.

Fariida, xaaskii Boqor Faaruuqii Labaad:

Gabadh kasta waa u murugo iyo ciil marka ay xaqiiqsato in saygeedii uu dumar dhiggeedda ah oo aanu xadhi sharci ahi u haynin habeenba mid boggeeda ku beryayo. Sida caadiga ah dadku waa ay kala go’aan qaadasho duwan yihiin marka ay masiibadu ku dhacdo, tanina kama foga oo dumarkuna marka ay tan oo kale ku dhacda waa kuwo aargoosi isku daya, una halgama la soo noqoshada karaamadeeda la duudsiyey, jika ay u marayaan halgankaa qudhiisana waa ay ku sii kala duwan yihiin, dumarka qaarna waxa ay qaataan go’aan ah dul qaado oo bal hadda habeen kale ugu dar waa intaas oo uu dib waantooba oo caqligiisu xasuusto farqiga u dhexeeya samaha iyo xumaanta.

Amiiira Fariidah, xaaskii boqor Faaruuqii Labaad noocan dambe ee dumarka ayaa ay ahayd, marka laga tago dulqaadka ay u dhalatayna waxaa qasbayey jacaylka xadhkaha goostay ee ay u haysay saygeeda boqorka ah.