Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (13): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen: “Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
574

Hargeysa (Geeska)- Waa aan ka diiday, waxa aanan u sheegay in aanan awooday in aan wiil u basaaso aabihii. Saddaam Xuseen waa uu ku adkaystay basaasnimadii laakiin qorshihii hore ayaa uu in yar ka beddelay, waxa aanu ii sheegay in uu igu xidhayo waaxda sirdoonka qaranka oo iyaga aan siin doono hadba warbixinta aan ka soo diyaariyo inankiisa Cudday. Runtii wax farqi ahi uma uu dhexeyn in aan isaga u keeno warka iyo in aan sirdoonka u gudbiyo, oo iyaguba warka isaga ayuun baa ay u keenayaan, laakiin dhinaca nafsadda ayaa aan ku yara niyad samaa in aanan isaga waxba u keenin. Waxaa la ii bixiyey laba magac oo afgarasho ah oo aan warbixinaha ku soo gudbiyo, waxa aanay kala ahaayeen, Layla iyo Umu Amiin. Waxaa shaki la’aan ah in ragga sirdoonka ee aan warka siinayo qudhooduna ay aniga i sii basasaayaan oo dhaqdhaqaaqayga oo dhan la soconayaan kadibna warbixin iga diyaarinayaan, si uu Saddaam Xuseen u hubiyo in warka aan soo gudbinayaa sax yahay.

Uurkii:

Marnaba qorshaha iiguma ay jirin in aan uur qaado, laakiin markii aan ogaaday in aan uur leeyahay lama filaan iguma uu noqon, waxa aan qabay caabuq qanjaha ah sidaa awgeed dhakhaatiirta ayaa iga mamnuucay in aan cuno kiniinka uurka lagaga hortago. Kuma’ aan dhacayn in aan ilmaha iska soo rido aniga oo aan ku wargelin Saddaam, aniguna maba aan doonayn in aan iska soo rido ilmahayga. Muddo aan warkan la cabsanayey kadib waxa aan helay fursad ku habboon oo aan Saddaam u sheegay xaqiiqada oo dhan. Wejiga Saddaam ayaa gebi ahaanba is beddelay, waxa uu igu yidhi, “Haddii aad doonto in aad iska soo riddo ilmahaas, waxa aad naftaadana ku tirisaa geeri”

Saddaam Xuseen waxa uu go’aansaday in aanay bannaanayn in gabadhu ay yeelato uur aan ninkii lahaa la garanayn, sidaa awgeed waxa uu degdeg iigu guuriyey nin uu isagu ii soo dooray. Waxa ii muuqday in ninkaygan uu Saddaam ii guuriyey aanu waxba dan ka gelayn, doonis iyo muhiimadna aanu arrinkayga siinayn. Cidda keliya ee adduunkan uu ka baqaa waxa ay ahayd Saddaam Xuseen, shaqadiisuna waxa ay ahayd in uu dhaqdhaqaaqayga iyo ficilladayda gaadhsiiyo Saddaam Xuseen, wax kasta oo aniga igu saabsan waa in uu Saddaam u sheego. Abaalmarinta keliya ee uu ku mudanayey shaqadaasina waxa ay ahayd cunto fiican, labbis xarrago leh iyo in uu tago xafladaha cawayska ah. (Xaasnimo kale kama uu doonayn ee waxa uu ahaa uun guur ku dhuumasho ah oo Saddaam ku qarinayey ilmaha sifada aan sharciga ahayn ugu calool galay). Saddaam Xuseen aniga iyo mid ka mid ah labadii hablood ee aan saygaygii hore u dhalay ayaa uu noo ogolaaday in aanu u safarno Giriigga oo aanu waqti ku soo qaadanno, sida dadka loo sheegayo waxa uu ahaa safar nasasho fasax ah aan aniga iyo saygayga cusub (Ninkii Saddaam u guuriyey) ku tegeyno Giriigga, laakiin markii aanu Giriigga tagnayba farriin ayaa lanaga soo daba diray oo ninkii dib ayaa loogu yeedhay in uu Ciraaq ku soo noqdo, aniguna keliday ayaa aan iska sii joogay caasimadda Giriigga ee Athena si aan ugu soo umulo.

Farxad weyn ayaa uu ii ahaa safarkaas Giriiggu. Markaas da’daydu waxa ay ahayd 26 sano jir, waxa aanan sugayey ilmahaygii saddexaad. Waxaa igu jirtay rajo ah in ugu dambayntii ay noloshaydu dabiici iska noqotay. Giriigga ayaa aan iskaga negaaday oo markii aan dhalay wiilkayga oo aan u bixiyey Qusdandiin, waxa aan shaqo ka helay shirkadda duulimaadyada ee bariga dhexe. Shaqadaas ayaa aan haystay labadayda habloodna waxa aan ka caawinayey waxbarashadooda, aniga oo wiilkayganna korsanayey. Waxa aan rajaynayey in Saddaam Xuseen uu iska kay illaawo, laakiin ma’ay dhicin.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gurigii aan ka deggenaa Athena waxaa yimid gaadhi ay leedahay safaaradda Ciraaq ee Giriigga, oo u socotay in uu i qaado oo dib la iigu celiyo Ciraaq. Aniga oo bixid u labbisan oo ilmahaygii yaraana sita ayaa aan albaanka ka furay, waa safiirka laftiisii oo isaga oo aamusan ii dhiibay warqad xidhan. Waa aan furay, waxa aanan akriyey wixii ku qornaa oo sidan ahaa: “Waa in Parisoula  Lampsos iyo saddexdeeda carruur ahi ay Baqdaad ku soo noqdaan saddex maalmood gudahood oo ka bilaambaysa taariikhda hoos ku qoran” Naxdin ayaa ay igu noqotay, labada jilib ayaa I gariiray.

Sidii ayaa qasab igu noqotay oo dib ayaa aan u soo noqday, markii aan Baqdaad imina waxaa gacanta la iga saaray baasaboorka dalka Ciraaq. Mar kale ayaa aan arrintaas baasaboorka aad ula yaabay, waxa aan garan waayey sababta iyo goorta aan muwaadinad Ciraaqiyad ah noqday. Waxa aan is weydiiyey halka la geeyey baasaboorkaygii Giriigga ahaa ee aan hore u haystay. Aniga oo eegaya sawirkayga lagu soo dhejiyey baasaboorkan cusub ayaa aan niyadda iska weydiiyey. “Imika yaa aad tahay? Yaa se aad noqotay? Ma runbaa in gabadhan sawirkeeda aad arkayso ee baasaboorka Ciraaqiga ah uu dheggen yahay ay adiga tahay?”