Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (10): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen: “Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
751

Hargeysa (Geeska)- Muddo sannado ah ayaa aan marar badan subaxdii indhaha ku kala furi jiray Saddaam oo hareertayda hurda. Wejigiisa ayaa laga dheehanayey daal iyo tacab. Hubkiisuna madaxiisa ayaa uu u oolli jiray, xitaa marka uu hurdo waxa aad ka arkaysay in aanu hurdo ammaan ah seexanayn. Shaki iyo cabsi ayaa hurdo raaxo leh u diidanayd.

Waxaa igu adkaatay in aan noloshayda caadiga ah sii wato, waxaa igu adkayd in aan qariyo sirta jacaylkii koowaad ee noloshayda igu horreeyey, iyada oo weliba maalin kasta aan si qarsoodi ah ula kulmo Saddaam Xuseen oo weliba aanu gogol wadaagno. Ma’ garanayo sida ay iigu suurtogashay in aan xidhiidhkaas qarsoodi ka dhigo muddadaas dheer, laakiin waxaa xaqiiqo ah in aanu jirin jid kale oo ii bannaani. Qoyskayagu marnaba ma’ay ii ogolaadeen xidhiidhka Saddaam Xuseen oo ay u arkayeen nin aan waxbarasho fiican lahay, isla markaana aanay la dhacsanayn hab-dhaqankiisa iyo afkaartiisa siyaasiga ah. Aabahay in uu iga cadhoodaana waxa uu ahaa waxa ugu daran ee aan iska ilaalin jiray. Markii aan jacaylkan ismiidaaminta ah doortay waxa aan ahaa 16 jir, waxa aan xiise aanan iska hayn Karin u qabay xidhiidhkan xaaraanta ah. Si kastaba ha ahaato ee Saddaam dhinac kasta waa uu ii xiise gelinayey, ragannimadiisa iyo qoodhnimadiisa, kartidiisa iyo quwaddiisa, bahalnimadiisa iyo khatarta uu yahay. Saddaam Xuseen dabeecaddiisa koowaad waxa ay ahayd in aanu ka seexan soo helidda waxa ka maqan.

Guurkaygii kadib:

In kasta oo qoraalkan uu Geeska Afrika helay aanay Lampsos tafaasiil badan ka bixin qaabka iyo sida uu u dhacay, haddana waxa ay sheegaysaa in aakhirkii ay guursatay nin lagu magacaabo Siroob oo ahaa Kiristaan asalkiisu Armaani yahay oo maalqabeen ahaa qoyska uu ka dhashayna magac iyo hanti ku lahaayeen dalka Ciraaq. Lampsos waxa ay si faahfaahsan uga warrantay sidii uu Saddaam Xuseen uga xumaaday guurkeedan iyo tallaabooyinkii aargoosi ee uu kula kacay Siiroob iyo iyada lafteedaba, illaa aakhirkii Siiroob uu Ciraaq ka baxsaday, iyada oo arrimahaas ka warramaysana waxa ay tidhi:

Si joogto ah ayaa talefishanka dawladda looga sii deyn jiray khudbadaha Saddaam Xuseen, waxa uu ka warrami jiray isbedello cusub oo uu dawladda ku sameeyey. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu jeediyey khudbad uu ku sheegayo maalqabeen reer Ciraaq ah oo ay dawladdu la wareegtay hantidoodii iyo dhul aad u weyn oo ay lahaayeen oo ay dawladdu dib ula noqotay. Liiska ganacsatada la tiriyey waxaa ugu horreeyey magaca saygayga Siiroob Iskanderyan.

Markii aan warka maqlay ayaa naxdin awgeed uu dhiiggu ku dhex qallafay xididdadayda. Waxa aan is weydiiyey sababta ninkayga ku dartay liiskan? Oo Weliiba uu u noqday qofka koowaad, waayo waxaa jiray dad kale oo aad uga maalqabeensan, dhulka ay leeyihiinna ka weyn yahay kan uu saygaygu leeyahay.

Markii ay dhammaatay khudbaddii talefishanka ee Saddaam Xuseen ayaa ay talefanno aad daad mooddaa igu so jabeen, waxaa kala joogsan waayey dawanka talefanka guriga. Dood, falanqayn, maxaa talo ah in la isweydiiyo, iyo soo jeedin ayaa dhan walba igaga imanaysay. Laakiin anigu hoos ayaa aan u ogaa waxa dhacaya iyo sababtooda. Tan iyo maalintii aan ninkan guursaday waxa aan marar badan isweydiin jiray, “Tol’oow intee ay farxaddaydu waari doontaa? Waxa aanan illaawin macnaha aan ka dheehan karayey labada indhood ee Saddaam Xuseen, markii uu bilowgii xidhiidhkayagaba igu lahaa, “Waxa aan la socdaa dhaqdhaqaaqaaga meel kasta oo aad joogto. Ha iga filan in aan marnabi doono in aan anigu ku leeyahay”

Go’aankii waa la fuliyey, qoyskiisii Siiroob na maalintaas ayaa ugu dambaysay in ay ka mid noqdaan qoysaska ugu maalqabeensan dalka, uguna awoodda iyo saamaynta badan siyaasadda. Saygaygii waxa uu awoodi waayey in uu duruuftaas qallafsan isu dhiibo. Murugadii iyo isku-buuqii awgeedna waxa uu bilaabay in uu magangalo xarumaha khamaarka lagu ciyaaro iyo in uu warwarka iyo waayaha adag isku dhaafiyo cabbista khamriga iyo maandooriyaha. Weerarkii aargoosi ee labaad ee uu Saddaam Xuseen saygayga ku soo qaaday waxa uu ahaa gurigayagii. Maalin maalmaaha ka mid ah ayaa lanagu wargeliyey in gurigayaga ay dawladdu la wareegtay.

Haddii markii hore uu shaki yar uun ku jiray in Saddaam Xuseen niyaddiisu aanay ahayn aargoosi, maantaba runtii waa ay ii caddaatay. Saddaam Xuseen ma nasan doono illaa uu ka takhalluso wax kasta oo agtayda qiimo ku leh. Bilowgii sheekadu waxa ay taagnayd hantidayada, maanta waxaa loo yimid gurigayagii, dhirbaaxadii saddexaad ayaa timid.